Buuqa Qoyska, Xaydha Caloosha Iyo Dhinacyada Fuusha Daawashda Badan Ee Telefishanka Iyo Ku Talaxtagga Jimicsigu  Waxa Ay Sababaan Wadne Xanuun Iyo Faalig

0
914

 

Waa qaybtii labaad ee sababaha keena wadne xanuunka:

Buuqa qoyska gudihiisa

Guurka liibaana waa ka farxadda iyo deggenaanshaha ku abuura quluubta lammaanaha aqalka wada dhistay. Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda gobalka Michegan ee dalka MAraykanka ayaa lagu ogaaday dadka da’da ah ee ay qoysaskoodu ku dhisan yihiin iska raalli ahaanshiyaha iyo farxadda in ay ku yar yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca, marka la barbar dhigo kuwa uu buuqa iyo is fahmi waagu qoysaskooda ka dhex jiro.

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay diiqadda iyo cadhada joogtada ah ee lammaanaha ku dhacaa in ay ku keento cadaadis nafsi ah iyo Khalkhal, taasina ay sababto in jidhku uu soo daayo hormoonno dheeraad ah iyo in ay maskaxdu qaadato go’aamo dhinaca cuntada ah oo qaldan. Waana sababta keenta in qofka uu miisaan badani ku kodho, iyo in ugu dambaynta uu wadne xanuun ku dhaco.

Dufanka caloosha

Miisaanka dheeraadka ahi, inkasta oo uu le’egyaha ywaxa uu jidhka ku keenaa culays, gaar ahaan wadnaha oo uu ku kallifo in uu qabto shaqo ka badan ta uu qaban lahaa marka uu miisaanka qofku dabiiciga yahay. waxa ay khubarada caafimaadku si gaar ah uga digeen khatarta ka iman karta Dufanka ku urura xundhurta iyo hareeraheda ama tartarrada sida ay dadka qaar u yaqaannaan. Dufankan ayaa ay sheegeen in uu abuuro xaalad maskaxda ku dhiirrigelinaysa in ay soo saaro hormoonno iyo maaddooyin kiimikad oo kale, taas oo ah sababta ugu dambaynta keeni karta in uu dhiiggu kaco, raadka caafimaad darro ee xunna ku sababi karta xididdada dhiigga, sida oo kalana kor u qaadda dufanka dhiigga.

Daawashada badan ee talefishanka

Waxa ay u badan tahay in dadka muddada dheer daawada talefishanka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha, taas oo ay mar kasta uga nugul yihiin dadka waqtiga gaaban daawada talefishanka.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen saacad kasta oo uu qofku ku qaato daawashda talefishanku in ay boqolkiiba 20 kor u qaadayso khatarta ah in miisaan dheeraad ahi fuulo iyo in wadne xanuun ku dhaco.

Ku talaxtagga ciyaaraha iyo jimicsiga

Jimicsigu faa’iidooyin waaweyn ayaa uu u leeyahay wadnaha. Laakiin haddii aanu qofka jimicsanaya caafimaadkiisu aad u fiicnayn, ama uu yahay dadka jimicsiga ama ciyaaraha aan joogtada sida xidhiidhka ah ugu wadin, waxa ay khubaradu kula talinayaan in mar kasta oo uu jimicsiga ku soo noqdo uu si tartiib ah u bilaabo. Isaga oo in yar ku bilaabaya, kaddibna maalinba maalinta ka dambaysa sii yara kordhinaya. Arrintan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay jidhka ka caawinayso in uu diyaariyo awoodda uu ugu dulqaadanayo jimicsiga iyo culayskiisa, si aanu khataro caafimaad darro ah ugu keenin.

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey dhibta ka dhalan karta jimicsigu waxa ay iftiiminayaan, jimicsiga oo waqti aad u dheer la sameeyo ama jimicsiyada aad u dhibta badan oo la caadaystaa in ay qofka ku keento khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco.

Waxa ay khubaradu ku taliyeen in jimicsiga ugu fiicani uu yahay sododka oo ugu yaraan ah jimicsi lagu bilaabi karo jimicsiyada kale ee jidhka. Waxa kale oo ay ku talinayaan in qofka joogtaynaya jimicsigu uu samaysto qalabka cabbira qiyaasta garaca wadnaha. Maadaama oo xitaa haddii aanu wadne xanuun lahayn, haddana ay weli u fiican tahay in uu la socdo saamaynta uu jimicsigu ku keeni karo wadnihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here