Sababaha Keena In Neefsigu Uu Qofka Cidhiidhi Ku Noqdo, Iyo Habka Ugu Habboon Ee Loo Daweyn Karo (2)

0
1132

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii labaad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xaaladaha caafimaad ee keena cidhiidhiga ku dhaca neefsiga qofka iyo siyaabaha loo daweyn karo:

Sababaha keeni neefsiga oo cidhiidhi noqdo:

Baadhitaanno kadib waxa ay khubarada caafimaadku hoosta ka xariiqeen xaalado caafimaad darro oo qofka ku keeni karo in neefsigu uu cidhiidhi ku noqdo.

1. Caabuqa Sambabbada:

Caabuqyada ku dhaca sambabka, iyo sidoo kale sdhuumaha neeftu mart, haddii aan si dhaqso ah qofka looga daweyn, waxa uu khatar ku noqdaa habsami u socodka neefsiga, waxaa iyaguna la mid ah, xanuunnada Qaaxada, (TB), caabuqa ku dhaca marinnada neefta oo ah xaaladda loo yaqaanno COPD.

– Baqanka iyo xabka ku urura laabta ayaa isaguna keena in neefsigu uu qofka dhib ku noqdo.

– Xumadda badani waa ay keentaa.

– Barar ama balaq ku yimaadda sambabka, xaaladdani waxa ay inta badan keentaa in sambabku iska joojiyo neefsiga dib-u-qaadashada ah, taas oo sababta in neeftii ku jirtay gudaha sambabku ay soo noqon kari weydo oo halkaas ku raagto wqti ka badan intii saxda ahayd in ay ku soo dhaafto sambabka.

– Haddii uu qofka neefsigu cidhiidhiga ku noqday sidoo kalana lagu arko, amateedkii cuntada oo ku yaraaday, iyo miisaankiisa oo si xawli ah hoos ugu dhacaya, inta badan xaaladdani waxa ay u dhawdahay in qofku uu qabo cudurka Kansarka ee sambabada ku dhaco, gaar ahaan haddii qofkani uu muddo dheer sigaarka cabayey. Waxa ay muujinaysaa in ay buro / Burooyin ku yaallaan sambabka.

– Dadka muddada dheer sigaarka nuuga ayaa iyaguna isku arka in neefsiga ay qawadaan.

Wareegga dhiigga ee sambabka oo joogsada:  Waxaa mararka qaarkood dhacda guntan ku yimaadda wareegga dhiigga ee sambabada, taas oo bilowga hore keenta cidhiidhi dhinaca neefsiga ah. marka ay xaaladdani qofka hesho waxaa inta badan lagu gartaa neefsiga oo si soo booddo ah qofka ugu cidhiidhi noqda, iyo laabta oo qofka xanuunta.

Sidoo kale haddii muruqa sambabka ee sababa in sambabku uu si fiican u kala baxo marka uu hawada qaadanayo iskuna soo ururo marka uu iska soo tuurayo, waxaa dhacda in neeftu ay qofka cidhiidhi ku noqoto, xaaladdan waxaa keena qalniinka laabta oo marar dhaawac gaadhsiiya sambabkaas. Buurnimada, qallooca ku yimaadda laf-dhabarta iwm.

Wadne Xanuunka:

Cidhiidhiga neefsiga waxaa lagu arkaa, dadka wadnahooda hawshiisa saxda ah gabo, waayo waxaa hoos u dhacaysa awooddii uu wadnuhu u lahaa in uu ku tuuro dhiigga loo baahan yahay in uu sambabada gaadho. Xaaladdan oo kale waxaa si gaar ah qofka loogu arkaa marka uu jiifsado, waana calaamad ka mid ah calaamadaha uu ku garan karo in wadnihiisu hawshii uu qabanayey gabay, in kasta oo ay xaalad bilow ah tahay.

Qofka xaaladdiisu sidan tahay waxaa u fiican in habeenkii barkimo dheer loo barkiyo, sidoo kale calaamadaha xaaladdan oo kale lagu garto waxaa ka mid ah hurdada oo qofka habeenkii ka xumaata, sababtuna inta badan ay tahay neefsiga uu qawadayo. Qufac habeenkii qofku isku arko, marka uu qofku shaqeeyo oo neeftu cidhiidhi ku noqoto, labada dhudhun ee lugaha ama labada kuraamod oo barara, dareeraha oo jidhka ka soo bixi waaya, dhiigga oo qofka ku yaraada, unugyada dhiigga cas ee qofka oo yaraada taas oo neefsiga cidhiidhi ka dhigta, (Maadaama oo unugyada dhiigga casi ay qaadaan Oxygen, marka ay yaraadaan waxaa dhacaysa in neeftii cidhiidhi noqoto), Waxaa kor u kaca hormoonnada ay soo daayaan qanjahu, waxaana ka dhasha in jidhku uu u baahdo neefta Oxygen in ka badan baahida dabiiciga ah, waxaana imanaya in qofku si uu neeftaa dheeraadka ah ugu helo jidhka uu si dhaqso-dhaqso ah u neefsado.

– Mushkiladaha caafimaad ee kelyaha iyo beerka eek a dhasha dareeraha oo ku bata labada sambab iyo jidhku, waxa ay keentaa in labada sambab ay si fiican isugu beddelan kari waayaan neefta, waxaana ka dhalanaya in neefsigu uu cidhiidhi qofka ku noqdo. La soco…