Cuntooyinka U Fiican Iyo Kuwa U Xun Caafimaadka Iyo Habsami U Shaqaynta Maskaxda

0
644

Picture8Hargeysa (Geeska)- In qofku uu cuno cunto isu dheelli tirani waxa ay qayb libaax ku leedahay guud ahaanba xaaladdiisa caafimaad. Cuntada waxaa ku jira, nafaqooyin, barootiinno, Faytamiinno, macdanno iyo maadooyin aan tiro lagu soo koobi karin oo waxtar weyn u leh caafimaadka guud ahaan jidhka iyo gaar ahaan qaybihiisa kala duwan. Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa cuntooyinka ay ku jiraan maaddooyinka faa’idada gaarka ah u leh maskaxda iyo qaar ka mid ah cuntooyinka maskaxda dhaawaca soo gaadhsiin kara, waxa aanay kala yihiin:

Cuntooyinka maskaxda faa’idada u leh: Sida in badan dhakhaatiirtu ku celceliso, maadadda Choline ama asiidh duxeedka Omega3 waxa ay si muuqata u caawisaa caafimaadka maskaxda, waxa ay xoojiyaan xusuusta iyo shaqooyinka kale ee maskaxdu qabato oo uu fahamku ka mid yahay.

Cuntooyinka kale ee ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in ay caafimaadka maskaxda iyo habsami u shaqaynteeda u fiican yihiinna waxaa ka mid ah, Muuska, Hilibka lo’da, Borokooliga, Shammaamka, Hilibka digaagga, Beedka, Xaanaha xoolaha, Boorashada heedda ka samaysan, Liin macaanka, Baradhada, Kalluunka; gaar ahaan noocyadiisa Solomon iyo Tuunaha, Salladhka, Qamandida, iwm.

Cuntooyinka maskaxda dhibaatada caafimaad gaadhsiiya:  Waxaa jira cuntooyin ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay khatar ku tahay habsami u shaqaynta maskaxda iyo si guud caafimaadkeeda, waxaa ku jira cuntooyin saamayn taban ku yeesha in dhiiggu si habsami ah maskaxda u gaadho, iyo in hab-dhiska neerfuhu uu si fiican shaqadiisa u guto, waxa aana ka dhasha in ay hoos u dhacdo awooddii garasho ee maskaxda iyo xusuusteedu, cuntooyinkan hoos ku taxan ayaana ka mid ah kuwaas khatarta ku ah caafimaadka maskaxda:

Cuntooyinka samayska ah ee lagu daro walxaha iyo maaddooyin u yeela dhadhan la mid ah dhadhannada dabiiciga ah ee cuntada, waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa, artificial Colors, Sharaabka heedda ka samaysan, sharaabka sonkorta badan lagu daro, dufanka, sonkorta, maadadda Nicotine oo ah nooca sunta ku jirta buuriga (sigaarka), cunto badan oo uu qofku cuno (Dheregga badan) iwm.