Wasaaradda Arrimaha Bulshada Iyo Qorshaheeda Ajaanibka Dalka Ka Shaqeeya

0
620

cabdi aw daahirHargeysa(Geeska)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland  ayaa daboolka ka qaaday inay diiwaan-gelinayso  dadka ajanabiga ah ee ka dhex shaqeeya dalka ee haysta sharciyad ay wadanka ku sii joogaan, si ay u hubiso inta sifo sharci ah wadanka ku soo gashay.

 Sidaasna waxa sheegay Wasiirka  Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Dr. Cabdi Aw-daahir Cali,oo shalay Hargeysa ka furay shir lagu falan-qeynayay sidii mustaqbalka dhow dalka qorshe loogu samayn lahaa dadka ajanabiga ah ee dalka ku soo galay dal ku gal sharci ah. Waxaana shirkaasi ka soo qeyb galay  Masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha  Daakhiliga,  Qorshaynta qaranka, Ganacsiga iyo  Laanta Socdaalka Somaliland.

Shirkaas waxa lagu lafo-guray  sidii looga fikiri lahaa in shaqo abuur loo sameeyo bulshadda iyo in la  xidido shaqaalaha ajanabiga ah ee dalka dibadiisa laga soo waarido.

“Kulankan ujeeddada ugu weyn waxay ahayd arrimaha shaqo abuurka oo dadka iyo dalka aad ugu mihiim ah,  gaar ahaan arrimaha saameeya in shaqadii dalka in dad ajaanib ah ay si sharci darro ah u hayaan, dadkeeniina ay shaqo la’aani ay hayso.  iyadoo arina shaqo abuurku aad iyo aad muhiim u yahay ayaa maanta halkan iskugu nimid, iyada oo qoddobkan uu ahaa qoddob golaha wasiirradu laysku  faray, waanu is wareysanay si fiican baanu macluumaadka isku waydaarsanay.

Waxaan  u  mahad naqayaa laanta socdaalka  oo warbixin aad u muhiim ah naga siisay sida uu ajaanibku dalka ugu soo qul-qulayaan oo iyaga oo aan sharci haysan dalkii ka shaqaynaya,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadda Dr. Cabdi Aw Daahir.

 “Waanu soo dhaweenaynaa dadka ajaanibka ah ee maal gashanaya dalka waa loo baahan yahay.

Wadankeennu waa wadan xor ah oo dad maal-gashada u baahan, waayo ummad kaliyi iskuma  filnaan kartid, hase yeeshee waxa shardi ah in dadka dalkeenna u soo shaqo tagayaa ay sharciyad u haystaan inay dalkeenna joogaan, waxaannu qorshe iyo diiwaan-gelinaynaa dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan ee sharci u haysta inay shaqeeyaan, ”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw-daahir.