Sababaha Fashilaadda Iyo Muhiimadda Ay Leedahay In Aanad Qaadan Shaqo Aanad Xiisaynayn

0
827

Jacayl aad u qabto shaqadu waa sababta ugu weyn ee qofka gelisa tamar iyo xiise uu si dhab ah uga shaqeeyo shaqadiisa. Waxa aanay inta badan u horseeddashaqo wanaagsan oo farxad iyo badhaadhe uu ka gaadho. Waa ay kala duwan yihiin jacaylka shaqo ee aynu ka hadlayno iyo in qofku uu muhiimad ama danayn gaar ah siiyo shaqadiisa, jacaylku waa waxa ugu awood badan ee shaqada kuu xiise gelin kara, ama sabab u noqon kara in aad nacdo.

Larry Smith oo ah bare sare oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Waterloo ee dalka Canada ayaa khudbad uu jeediyey waxa uu si xeeldheer ugaga hadlay kala doorashada mihnadaha waxbarasho iyo xulashada takhasusaadka shaqada. Waxa uu soo bandhigay sababo uu sheegay in qofka ay ka hor istaagaan in uu ku gaadhi garo geeddi socod shaqo oo weyn, waxak ale oo soo bandhigay hababka lagu gaadhi karo oo ah aqoonta iyo xirfadda shaqada uu qofku u leeyahay iyo xaaladdiisa nafsadeed iyo dareenkiisa guusha.

Waxa uu sheegay in ‘Kalgacal’ shaqada loo hayo laakiin aan lagu qaldin laab-la-kaca. Qodobbo uu sheegay in qofka ay ka caawinayaan in uu gaadho heerka uu cayimi karauyo yoolkiisa, isaga oo taas bud dhig uga dhiganaya xirfadihiisa shaqo.

Si aad u hesho shaqo aad jeceshay, ha raacin xisahaaga

Benjamin Todd oo isna ah xeeldheere khudbad shaqada la xidhiidha ka jeediyey fagaaraha TED ee Maraykanka waxa uu sheegay qofka oo raadiya shaqo uu jecelyahay in ay tahay aasaaska ay waajib tahay in  qof kastaa uu raadiyo, si ay shaqadiisu u noqoto mid uu muddo dheer joogteeyo, geeddisocodkeeda shaqo aanu ka daalin, hal abuur cusubna ku soo biiriyo. Laakiin waxaa taas ka sii qiimo badan in shaqada uu qofku raadinayaa ay noqoto mid meeqaam sare bulshada ku dhex leh. Dadka inta badan shaqo ay xiisaynayaan ama kalgacal u hayaan qataa kuma guulaystaan guusha iyo raynraynta ay shaqada ka filayeen.

Benjamin Todd waxa uu ku taliyey in qofka shaqo tagga ahi uu xoogga saaro shaqo meeqaam ahaan sarraysa iyo shaqooyinka sumcada weyn ku dhex leh bulshada. In qofku uu raadsado shaqo uu xiise u qab waxaa ka fiican in uu raadsado shaqo bulshada dhexdeeda magac ku leh, taas oo ah hab uu guul kaga gaadhi karo shaqada.

Dadaalkaaga ku kalsoonoow

Jidka guusha lagu gaadhaa ma’aha xagal toosan oo cidhifka laga bilaabo, cidhifkiisa kale guushii yahay. Balse waa geeddi socod caqabado iyo dhutin badan oo fanasho iyo hoobadba leh.

Zain Asher oo ah weriye u dhalatay dalka Nigeria oo hore uga tirsanayd BBC, imikana ka hawlgasha talefishanka CNN ayaa khudbad ay ka jeedisay Barnaamijka TED waxa ay kaga warrantay qaar ka mid ah mabaadii’da bani’aadamnimo iyo xirfadeed ee ay ku soo baratay geeddi socodka ay ku heshay shaqo ay jeceshay.

Afar sano ka hor markii ay khudbaddan jeedinaysay waxa ay ahayd shaqaale hoosaad qaybta soo dhoweynta macaamiisha u joogta hay’ad ka dhisan gobalka California ee dalka Maraykanka. Shaqadaas oo ay dirqi ku heshay kaddib markii ay muddo gaaban ka hor iyada aad u murugaysan xanuunka geeri mar wada qaadday aabaheed iyo walaalkeed oo shil gaadhi ku dhintay. Waxa se guul u ahayd waxbarashadeeda oo aad u dhisnayd, kaddib markii hoooyadeed oo gacan bir ah ku qabatay korinteedu ay kula dadaashay in ay sida ugu fiican wax u barato.

Zain Asher markii ay shaqooyinka ay qaban karto nafteeda kala shawrtay waxaa u soo baxay in shaqadii ay yaraanteedii ku riyoon jirtay oo ah weriyenimo ay tahay waxa ugu weyn ee ay jeceshay. Inkasta oo ay u ekeyd riyo maalmeed marka duruufteedii xilligaas la eegana aanay suurtagal ahayn in la gaadhaa.

Isla markii ay arrintan ku qanacday, siima ay sugin ee dhaqso ayaa ay ula xidhiidhay wakaaladaha wararka iyo xarumaha warbaahinta ee deegaanka iyada oo weydiisanaysa in ay ka caawiyaan waxa ay tahay in ay samayso si ay weriye buuxa u noqoto. Sidaas aadka u fudud ayaa ay ku awoodday in ay hesho xogo tiro badan, kaddib waxa soo kiraysatay kamarad, waxa aanay qabatay barnaamijyo ay ku soo wareegayso magaalada Los Angeles ee gobalka California kaddibna u diri jirtay wakaaladaha wararka ee kala duwan, si ay ugu qanciso fahamka iyo tamarta ay u hayso shaqada saxafinimo iyada oo tababarro kala duwanna qaadata. Ugu dambayn Zain Asher waxa ay madax ka noqotay wakaalad wareed oo maxalli, kaddib waxa ay uga siii gudubtay CNN. Waayoaragnimada ugu weyn ee ay ka dhaxashay waxa ah ahayd in qofka oo ku kalsoonaada guusha dadaalka uu la iman karo iyo isaga oo gartay dhibaatada hawshan kaga hor iman karo ee ay tahay in uu ka gaashaanto ama xal u sii diyaarsado in ay yihiin jidka gush iyo sarraynta uu ku gaadhi karo. Waxa kale oo fureyaasha guusha lagu gaadhi karo ka mid ah sida ay Azher sheegtay in qofku uu la yimaaddo dulqaad badan iyo damacsanaanta oo ay sheegtay in ay labaduba aasaas u yihiin geeddiga shaqo raadinta.