Saamaynta Ay Kartida Iyo Dadaalku Ku Leeyihiin Guusha Shaqada Ayaa Ka Weyn Takhasuska Iyo Waayoaragnimada

0
259

Waxyaabaha dadka qaar ay nasiib badnaanta shaqada ku tilmaamaan waxaa ka mid ah in qofku uu ka shaqeeyo shaqo xidhiidh la leh takhasuskiisa jaamacadeed; tusaale ahaan, in qofkii warfidiyeennimo bartay uu warbaahinta ka shaqeeyo, kii waxbarashadiisu Injineernimo ahaydna uu wax dhiso, laakiin taas in la isla helaa aad ayaa ay u adagtahay. Daraasad la sameeyey sannadkii 2010 kii ayaa lagu ogaaday in dadka jaamacadaha soo dhammaysta boqolkiiba 25 keliyi ay ku shaqeeyaan wax xidhiidh la leh shahaadadooda jaamacadda.

Jason Shane ayaa khudbad caan noqotay oo uu masraxa TED ka jeediyey bishii Noofambar 2017 kii, waxa uu ka sheekeeyey kala duwanaanshiyaha waxbarashadiisa jaamacadda iyo shaqada uu guusha ka gaadhay ee uu qabto. Waxa uu sheegay in takhasuskiisa waxbarasho uu ahaa Sayniska qaybtiisa barashada noolaha (Bayooloji), laakiin noloshu ay la aadday shaqo aad uga fog oo ah in uu maamulaha qaybta waxsoosaarka ka noqdo mid ka mid ah shirkadaha dunida ugu waaweyn ee teknoolajiyadda.

Jason Shane waxa uu khudbaddiisan kaga jawaabay sida ay ku dhacday in noloshiisu ay isaga gudubto waxbarasho bayooloji iyo noole la macaamilaysa iyo shaqo farsamo badhaxtiran ah. Waxa aanu is weydiiyey in isbeddelkaasi yahay mid xun iyo in uu yahay arrin iska dabiici ah oo dunida aynu ku noolnahay ka dhaca, maadaama oo ay sii yaraynayso dhaqankii waqtiyadii hore  ee ahaa in loo shaqeeyeyaashu ay isku xidhaan takhasuska waxbarasho ee qofka iyo nooca shaqo ee loo dirayo.

Waxa uu soo bandhigay afkaar cusub oo lagama maarmaan u ah dadka shaqo raadiska ah, haddii ay yihiin ardayda hadda jaamacadaha ka soo qalinjebisay iyo haddii ay yihiin dadka muddo soo shaqaynayey labadaba. Fikirkan cusubi waxa uu xoogga saarayaa aragtida ah in awoodaha bani’aadamnimo ee kala duwani ay yihiin kuwa jaangoynaay guusha shaqo ee uu qofku gaadho, laakiin aanay ahayn waayoaragnimada uu soo maray oo keliya. Waxa uu si gaar ah xoogga u saaray ka jawaabista labada su’aalood ee ah;

sida ay qofka shaqa-doonka ah ugu suurtageli kartaa in uu xoogga saaro xoojinta kartidiisa shaqo si uu horusocod uga sameeyo shaqadiisa, oo lagaba yaabo in ay aad uga fogtay takhasuskiisa waxbarasho? Maxaa se waqtigan aynu joogno qofka loo shaqeeyaha ah qasab kaga dhigaya in uu raadiyo karti iyo hagarbax in ka badan inta uu eegayo shahaadada waxbarasho ee qofka?

Noqo fursad sameeye

Haweenyada qoraaga ah ee Carrie Anderson oo ka warramaysay siyaabaha uu qofku guul uga gaadhi karo shaqada ayaa sheegtay in ‘Khajilaaddu’ ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu caansan ee dhaawaca iyo turaanturrada ku ah nolosha shaqo iyo mihnadeed ee qofka iyo guud ahaan nolosha. Waxa ay sheegtay in khajilaaddu ay qofka ka hor istaagto in uu fursado helo iyo in uu isagu fursadaha sameeyo labadaba. Khajilaadda ay ka hadlayso oo ay si faahfaahisay waxaa ka mid ah; in qofku ka khajilo in uu shaqo gaar ah oo uu heli karo raadsado iyo in uu ka khajilo kulamada shaqo uu ku heli karo isaga oo ka cabsi qaba in aanay naftiisu weli diyaarsanayn. Waxa kale oo ka mid ah in qofku uu ku dhici waayo in uu cidhiidhsado fursadaha ama kula loollamo dadka oo uu ka soo dhacsado dadka ay ku tartamayaan.

Qof kasta oo bani’aadam ah oo maskax ahaan taam ahi waxa uu leeyahay hibo u gaar ah, waxaana ku abuuran dareen jecel in uu hibadaas helo  si uu u sameeyo wax noloshiisa macno u leh. Laakiin inta badan waxaa hor taagan laba su’aalood;

– Sidee ay tahay in uu marka hore ku bilaabo?

– Sidee uu uga gudbi karaa cabsida lagu yaqaanno shay kasta bilowgiisa? Gaar ahaan marka ay shakhsiyaddiisu tahay nooca ka baqa tijaabada waxa cusub iyo ku dhiirrashada iyo ku dhaca waxyaabaha ay naftu u aragto in ay ku adag yihiin oo aanay si fudud u dhammayn karin.

Carrie Anderson waxa ay aaminsantahay in qofku aanu fursad samayn karin illaa uu ka gudbo marxaladda khajilaadda ee mar kasta ka hor taagan in uu fursadda raadiyo, iyo in uu ku dhacba u yeesho.