WADDANI Oo Sheegay Inuu Ingiriiska U Bandhigay Tacadiyo Uu Sheegay In Taliyaha Boolisku Ku Hayo Musharraxiinta Xisbigaas

0
614

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) Tacweeyay Dawladda Boqortooyada Ingiriiska.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa baahiyey Qoraal ku saabsan kulan isaga iyo hoggaanka kale ee Xisbiga WADDANI ay Hargeysa kula yeesheen Safiirka Dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo booqasho ku timid Somaliland, ayaa sheegay inay kala hadleen doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland ku soo foolka leh iyo Xadhigga Musharraxiinta oo uu ku eedeeyay inuu masuul ka yahay Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxa aan anniga iyo Hoggaanka Sare ee Xisbiga kulan la qaadannay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Jamhuuriydda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socotay Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Safiiradda waxa aan si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay hannaanka qabashada doorashada isku sidkan ee muddeysan, tacadiyadda joogtada ee Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga qayral-Dastuuriga ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka Qaranka isla markaana haysta xasaanaddii Xeer Lr 91/2020 uu siiyey Murashixiinta.

Si cad waxa aanu u qeexaynnaa in aannaan Xisbi ahaan marnaba aqbali karin sii socodka xadhiga tacaddiyada ka dhanka ah ee Murashixiinta Xisbiga WADDANI, waxaanan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay xorriyaddiisa u soo celiyaa Murashaxa Qaasim Aadan Saleebaan oo siffo sharci darro ah Boolisku ku haystaan isla markaana ay sharciga ku tunteen.”

Geeska.net/Hargeisa Office