Sababa Guusha U Horseeday Bill Gates (3)

0
1257

Qaybtii saddexaad ee warbixin ay shabakadda Alcarabiya ku eegayso dabeecado uu Bill Gates caan ku yahay oo khubarada horumarka naftu aaminsan yihiin in ay qayb ka yihiin sababaha guusha u horseeday.

  1. Faduuli noqo

Bill Gates waxa uu sheegay jacaylka uu u qabo wax is weydiinta iyo isku dayidda ogaanshiyaha shay kasta oo ku cusubi ay ka mid tahay sababaha meel fog gaadhsiiyey. Isaga oo intaas ku daray in faduulinimada iyo isku dayga in aad wax kasta ogaataa ay muhiim u tahay cilmibaadhista iyo daraasaynta hawshan aad doonayso in aad guul ka gaadho.

Waxa uu sheegay marka wax ku cusubi ka hor yimaaddo ee uu doonayo in uu xog ka helo, in  uu akhriyo illaa shan buug oo waxaas ku saabsan. Isaga oo intaas ku daray in dunida casriga ah ee maanta ay fududahay in waxa aad xog ka doonayso aad si fudud internet ka uga hesho waxa laga yidhi ama laga qoray.

  1. Dadka kula shaqaynaya ku aamin hawsha

Bill Gates waxa uu sheegay xilligii ay shirkadda Microsoft bilowday in ay ballaadhato in uu dhib aad u badan kala kulmay wareejinta hawlihii tirada badnaa ee uu isku hayey oo markan aanu isku sii wadi karin. Maadaama oo ay shirkaddu cusbayd hawl kasta isaga ayaa gacanta ku hayey, kalsoonida uu gacantiisa ku qabay awgeedna markii ay shaqada horumarka samaysay waxa ku abuurmay cabsi uu ka qabo in hawlahaas oo wareejiyaa ay tayada iyo xaddiga wax soo saarkaba dhaawici karto.

Sidaas awgeed uu ku dhici waayey in shaqooyinka wareejiyo, si kastaba ha ahaato ee markii uu wareejiyey hawlahan badankooda waxaa u soo baxday in tayadii aanay waxba iska beddelin xitaa isaga oo aan dabagal xooggan ku haynin, iyo in waxsoosaarkii sii kordhay dadka hawshan haya oo batay awgeed, siina fiicnaaday waqtig firaaqo oo uu u helay ka fikirka sii wanaajinta wax soosaarka awgeed .

  1. Naf jacaylka

In aad naftaada jeclaataa waa lama huraan, waana mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee guusha, waayo haddii aanad naftaada ka raalli ahayn, hawshan aad waddana ku qanacsanayn waa ay adag tahay in aad guul ka gaadhaa.

  1. Guuldarro diyaar u ahow

Noloshu waa dur iyo daabac, in aad guusha u shaqaysato, guuldarradana u diyaar ahaataa waa sida keliya ee qofku uu uga soo kaban karo haddiiba ay dhacdo in hawshan uu waday guuldarraysato.

Qofka oo guusha isa siiyaa waxa ay keentaa in dib u dhac iyo turaanturro yar oo ku yimi hawshiisu ay ka niyadjebiyaan sii wadisteeda, guushiina halkaas uu kaga hadho. Halka qofka guuldarrada u diyaarka ahaa uu sii qorshaynayo haddiiba ay timaaddo sida uu uga soo kabanayo isaga oo sii wada geeddiga uu guusha ku goobayo. Dhammaad.