Xaalado Cusub Oo Cudurka COVID-19 Lagu Arkay: Carabka Oo Si Argagax Leh U Weynaanaya Bukaanka

0
901

Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka dhiillada leh ee xambaarsan xaalado khatar ah oo ka soo kordhaya Coronavirus ka, waxaana ugu dambeeyey carrabka oo si argagax leh uga weynaanaya intiisa Dabiiciga ah. Dalka Maraykanka ayaa lagu arkay 9 xaaladood oo ah dad uu carrabku soo dhacay isaga oo aad u weyn, markii taariikhdooda caafimaad la eegayna waxaa caddaatay in uu hore ugu dhacay Fayraska Corona oo xaalkooda oo adkaa awgeed lagu xidhay qalabka neefsiga.

Wargeyska The Houston Chronicle oo ka soo baxa Maraykanka ayaa ku warramay in bishii Oktoobar ee sannadkii 2020 uu carrabku si xad dhaaf ah u weynaaday ninkan oo lagu magacaabo Anthony Jones, illaa uu gaadhay heer uu hadalka iyo cunto liqistaba awoodi kari waayo, neefsiga dabiiciga ahina ku adkaado. Wargeysku waxa uu sheegay in xaaladdani ay bukaanka ku timi kaddib markii uu qalabka neefsigu muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa sababta xanuunka COVID-19 ka oo ku dhacay xagaagii hore. Jones markii uu cisbitaalka ka baxay waxa uu awoodi waayey in uu afka isku xidho, ugu dambayntiina carrabku dibadda ayaa uu u soo baxay isaga oo marba marka ka dambaysa sii weynaanaya.

Dr. James Melville oo ku takhasusay Xaaladaha carrabka weynaantiisa iyo Simon Young oo kaaliye baresare ka ah jaamacadda Texas ayaa sheegay in dhammaan 9 ka xaaladood ee xanuunkani ku dhacayba ay ka soo jeedaan dadka Maraykanka ee asalkoodu madowga yahay. Sidaas awgeed ay labada dhakhtar ku fikireen in ay daraasad ku sameeyaan suurtagalnimada in kala duwanaanta dhinaca hidde-sideyaashu ay sabab u noqon karaan xaaladahan. Waxa aanay bilaabeen daraasad ay arrintan ku eegayaan. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira tuhunno aan weli la daraasayn oo muujinaya in weynaanta carrabka iyo xaalado kale oo badan oo lagu arkay dadka uu xanuunka COVID-19 ku gaadhsiiyey xaalad xun oo qalabka neefta lagu arkayba ay suurtagal tahay in uu yahay fayras qofka ka soo raaxaya Dhuumaha neefta siinaya ee ku rakiban.