Taariikhda Majaajilayste Sooraan Ismaaciil Sugule Oo Burco Ku Geeriyooday

0
1375

Burco (Geeska) – Alle ha u naxariistee waxa Arbacadii Shalay Magaalada Burco ku Geeriyooday Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ahaa Mujaajilayste caan ka ahaa dhulka Soomaalidu degto.

Majaajileyste Sooraan oo sidoo kale ahaa abwaan sameeya Heesaha iyo Riwaayadaha isla-markaana Dadku aad u jeclaayeen Majaajilooyinka uu sameeyo, ayaa Geeriyooday Shalay, ka dib Xanuun lagu sheegay Covid_19 oo uu muddo u jiifay Magaalada Burco.

1. Taariikhda Sooraan

Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) ayaa waraysi hore oo laga qaaday ku sheegay in fanka uu ku soo biiray sanadkii 1979-kii, isagoo ku biiray kooxdii fanka ee Durdur. Waxa uu sheegay in markii hore uu kooxdaas ka ahaa jilaa, balse uu muddo kadib noqday mu’alif.
“Saarka reer waqooyiga ayaa ku billaabay, habeenkii koowaad markii Shimaali loo dhiibay ee la tumay ayaa waxa uu igu yidhi mid kalena isku day. Mooraalkaa ii dhismay oo waxaan ogaaday in aan mu’alif noqon karo,” ayuu waraysigaas ku sheegay marxuum Sooraan.
Sooraan ayaa sheegay in fankii uu xilligaa ku jiray uu markii dambe la burburay Dawladnimadii Soomaaliya, oo ay kooxihii caanka ahaa kala daateen.

2. Ruwaayadihiisa

Sooraan waxa uu xoogga saari jiray jilidda ruwaayadaha taabanaya wecyiga markaa taagan.

Ruwaayadaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Sooraan waxaa kamid ah: Illaahay ummaddii u ammaan geli – oo uu kaga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara dhibaatada loo geysto xayawaanka, ruwaayaddii jinka iyo mid uu uga hadlay xisbiyada Somaliland ee doorashadii golayaasha deegaanka ee dhacday 2012.

Sidoo kale, waxa uu farriintiisa ku gudbin jiray muuqaallo qosol badan, sidan kan “markii dhaweyd maxaad I lahayd?” oo uu ku cabbirayay dhibaatada ay tiknoolajiyadda ku hayso dadka gaar ahaan da’ yarta.
“Aaladda internet-ka dhawaan ayay inagu soo korodhay, mushkilado badan ayay nagu soo kordhisay oo tusaale ahaan inanta iskuulka la doonayo in ay berri qabato habeenkii oo dhan qolka ayay ku jirtaa oo maxaad i lahayd ayay leedahay,” ayuu yidhi Sooraan oo ay BBC-du xillii hore ka waraysatay muuqaalkaas kooban.
3. Saaxiibkii Jawaan
Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan) ayaa ahaa saaxiib ay si weyn u wada shaqeeyeen Sooraan, isagoo ay is barteen sannadii 2003. Waxa ay wada jileen ruwaayado badan, iyagoo xitaa safarro u aadday dibedda.
“Sooraan wuxuu ahaa nin aad iyo aad u dabeecad fiican, nin dadnimo leh, nin masaakiinta caawiya, nin saaxiibu salaad ah, nin is-qabqabsiga iyo muranka neceb, wuxuu ahaa nin calool xaadhan oo aan dadka caloosha wax ugu qaadin, wuxuu ahaa nin nadiif ah,” ayuu yidhi Jawaan oo ka warramaya aqoontii uu u lahaa saaxiibkii Sooraan.
Tacsida loo diray
Madaxda Soomaalida ayaa Ehelkiisa iyo Shacabka guud ahaan ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Sooraan Ismaaciil Sugule, isagoo ku sifeeyay inuu Abwaan iyo Majaajilayste weyn.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah Madaxda Tacsida u diray, ayaa dhambaalkiisa Tacsidu u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office