Saaxiibbadu Waxay Wadaagaan Hidde-Sideyaasha Qaar

0
628

Washington (Geeska)- Nebigeennii Muxammed (SCW) waxaa laga soo xigtay xadiis macnihiisu yahay, “Ruuxdu waa junuud la isu soo ururshay, intii iska fahamtaa waa ay midoobaan, intii is diidaana waa ay kala tagaan” Xadiiskan waxa ay culimadu ku sharxeen in aadamuhu uu yahay ruuxda uu Nebigu (SCW) sheegayo oo labadii ruux ee ruuxdoodu is fahamtaa ay saaxiib iyo walaalo dhow oo wax wadaaga ay noqdaan, labadii is diidana ay kala tagaan. Haddaba maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu aadamuhu helayaa aqoon hor leh iyo faham qarniyo ka hor islaamku uu sheegay balse kuwa aan rumaysnayn ay u arkayaan aqoon cusub oo maanta la gaadhay:

Cilmi baadhis Maraykanka lagu sameeyey oo natiijadeedu ay soo baxday isniintii toddobaadkan aynu ku jirno ayaa lagu ogaaday in qofku qofka uu saaxiibka ka dhiganayo ama sida gaarka ah uga soo dhoweysanayo dadka kale uu yahay ruux ay wadaagaan hidde-sideyaal ama ay is-shabahaan qaar badan oo ka mid ah hidde-sidayaashoodu, oo mararka qaarkood ay dhacdo in ay hidde-sideyaashaasi yihiin kuwo ay iskaga dhow yihiin dadka ay qaraabada darajada afaraad oo ah ilma’adeerka, ilma abtiga, habarwadaagta, awoowyada hore iwm. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo tijaabo cilmiya ku sameeyey 1932 qof ayaa ay u caddaatay in saaxiibtinimada oo inta badan ku timaadda si aan ku talo gal ahayn oo labada qof uun ay iyaga oo aan ku talo galin is fahmaan iskuna xidhmaan, ay sababaha keena ka mid tahay hidde-sidayaasha labada ruux ee saaxiibka noqonaya oo meelo badan iskaga mid ah ama iska shabaha, marar badanna ay iskagaba dhow yihiin kuwa qaraabada aynu kor ku soo xusnay. Waxa ay arrintani ka marag kacaysaa in saaxiibku uu yahay walaal aan dhiig la wadaagin balse haddana ay jiraan wax yaabo labada qof isku xidhaya oo abuur ah kana awood badan iyaga.