UN Monitoring Group Oo Mar Kale Dhirbaaxo Fadeexad Ah Ku Dhufatay Madaxweyne Xasan Sheekh

0
547

Picture4Washington(Geeska/Reuters)-Kooxda Qaramada Midobay u qaabilsan xayiraada xaga hubka ah ee saaran Soomaliya iyo Ereteria ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirkii hore ee arimaha dibada Fosiy Yuusuf Xaaji Aadan iyo  shirkad Mareykanka ah iney shirqooleen weecinta hanti ay Soomaaliay leedahay sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay guddidu  soo saareen.

Kooxda dabagalka oo ka kooban 8-xubnood ayaa shaaca ka qaaday natiijada warbixintan lagu kalsoonyahay oo laga helay golaha amaanka qaramada midoobey. wakaalada wararka ee Reuters ayaa heshay warbixintan oo ka kooban 37 bog.

Sida ay Reuters qortay, UN Monitoring group waxa ay qoraalkooga ku sheegeen in si aan danta guud ahayn loo isticmaalay hantida qaranka Somaliya loona isticmaalay dano gaar ah, taas oo ah khiyaamayn lagu leexiyay mucaawinada la siiyo Somaliya oo loo weeciyay baanan dibadda ah.

Inta badan hantidii Somaliya ka taalay dibadaha waa la xayiray sannadkii 199, kuwaas oo ay ku jireen lacago dahab iyo hantiyo kale oo ay dawladu ku lahayd dibadaha.

Khiyaamadan ay Qaramada Midoobay soo bandhigay, waxa la shegay inay fuliyeen hay’adda Maraykanka ah ee Shulman Rogers, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xafiiskiisa iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda ee hore Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden iyo weliba shakhsiyaad kale oo ay warbixintu sheegtay inay isku xidhayeen Madaxweynaha iyo Shulman Rogers. “Haddii natiijadu ay tahay mid sax ah ,warbixinta kooxdani waxay xanuun badan ku noqonaysaa madaxweynaha Somalia ,iyadoo walaac sidoo kale ku noqon doonta deeq bixiyaasha shisheeye ee dowlada Somalia balaayiinta dollar ugu deeqa islamarkaana  hanka u qabay in ladhiso wadanka Soomaaliya oo muddo badan qas  ku jiray,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay kooxdu soo saartay.

Warbixinta UN Monitoring group, waxa kale oo lagu sheegay in guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliya Yusur Abraar ee is casishay ay Muqdisho uga carartay cabsi soo food saartay ka dib markii ay ka hortimid qorsheyaasha Madaxweynaha iyo shirkadan Maraykanka ah. “Yusur Abraar waxay madaxweynaha Somaliya ka codsaday inuu ku noqdo go’aanka uu ku taageero mashruuca loo wato Shulman Roggers, laakiin intuu u mahadceliyay ayuu ka codsaday inay akhritdo heshiiska la galay.” Ayay warbixintu tidhi.

Dhammaan dhinacyadan lagu eedeeyay inay dano gaar ah u leexiyeen caawimada Somaliya way dafireen, iyagoo eedaymo u jeediyay guddoomiyaha UN Monitoring group Mr. Jarat Chopra.

Wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aden oo hadda ah xildhibaan, ayaa ka jawaabtay eedayntan, waxaanay sheegtay inaanay weligeed wax faa’iido ah ka helin qandaraas la siiyay Shulam Rogers, iyadoo tilmaantay inaanay Yusur Abraar oo ahayd guddoomiyihii hore ee Baanka ee is casishay wax cadaadis ah saarin, “Wasiir khaaraji ahaan wuxuu doorkaygu ahaa inaan dhiso sawirka Somaliya, laakiin ma ahayn inaan khimaameeyo ama bah dilo magaceeda iyo magaca dawladayda.”

Xafiiska madaxweynuhu wuxuu sheegay inaanu ka jawaabayn warbixintan maadaama oo aanay ahayn mid rasmi ah. Si Kastaba ha ahaate Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaate warbixintan ayaa mar kale waxay dhaawacaysaa wejigii ay beesha caalamku ka haysatay Xasan Sheekh oo badankiisa uu mugdi galay markii ay kooxdani baahisay warbixintoodii hore.