Dadka Reer Tuuniis Oo Masar Ka Codsaday In La Raadiyo Xabaasha La Waayey Caalamkii Ibnu Khalduun (Ahun)

0
597

Dadka reer Tuuniisiya ayaa madaxweynaha dalkooda Qays Saciid oo dhowaan booqday dalka Masar waxa ay ugu baaqeen in uu socdaalkiisa uga faa’iidaysto in uu dawladda Masar ka codsato raadin cilmiya oo lagu sameeyo xabaasha caalamikii muslimka ahaa ee cilmiga bulshada iyo taariikhda Cabdiraxmaan Bin Khalduun oo ku geeriyooday Masar laakiin xabaashiisii la garan waayey. Dadkan ayaa dalbanaya in maydka Ibnu Khalduun dib loogu celiyo dalka Tuuniisiya.

Ibnu Khalduun sannadkii 1332 kii miilaadiga ayaa uu ku dhashay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tuuniisiya, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku dhammaystay, in badan oo noloshiisa ahna ku qaatay. Waxaa loo aqoonsanyahay caalimika ugu weyn taariikhda iyo aasaasaha cilmiga bulshada, waxa aanu qoray kitaabka caanka ah ee ‘Almuqaddamah’. Kaddib waxa uu u guuray dalka Masar oo uu joogay muddo rubuc qarni ku dhow, ka hor intii aanu geeriyoon sannadkii 1406 dii miilaadiga.

Inkasta oo ay culimada taariikhda iyo raad-raacu aaminsanyihiin in uu ku aasan yahay qubuuraha Suufiyada ee Baab Ansar oo magaalada Qaahira ku yaalla, haddana kuma ay guulaysan in ay xaddidaan xabaashiisa.

Dawladda Tuunisiya ayaa hore magaalada Caasimadda ah uga dhex dhistay taallo weyn oo muujinaysa Ibnu Khalduun oo sita kitaabkiisa caanka ah ee Almuqaddamah, sida oo kale gurigii uu ku dhashay ayaa loo beddelay xarun hidde iyo dhaqan oo la booqdo.