Saado Cali Oo Beenisay Inay Ka Baxday Baarlamaanka Somaliya

1
537

Picture2Muqdisho(Geeska)-Saado Cali Warsame ayaa beenisay warar barayan warbaahinta kala duwan ay ka qorayeen oo tibaaxayay inay iska casilayso xubimada baarlamaanka Somaliya.

Waxaanay sheegtay in dad xukuumada Somaliya isku dhufanayaa uun ay wararkaas baahiyeen. Saado Cali oo la hadlaysay qaar ka mid ah warbaainta ayaa u sheegtay sidan "Soomaalidu waxaas ayaa la yiri uun bay taqaan, waxa halkaas ina dhigeyna waa iyada. Xamar baan joogaa waajibgeyga qaran ayaanna gudanayaa, Qofka warkaas yidhi waa mid shaqadiisii gabay oo dadka kale ee waajibkooda gudanaya kasoo horjeeda.qof wax uunu hubin ku hadlay anigana wax ima yeelin shacabkana wax yeelin, isag uun baa isyeelay."

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ay warbaahinta Afka Soomaaliga wax ku qortaa ay baahinayeen in ay Sacado Cali iska casilayso xubinimada baarlamaanka Soomaaliya,khilaafna u dhaxeeyo iyada xukuumada Somaliya,inkasta oo ay si rasmi ah warkaas imika ay u beenisay.

Comments are closed.