Xisbiga UCID Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyahoodii Maroodi-jeex

11
595

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-jeex, C/Raxmaan Aadan Sheekh Haaruun, sida lagu sheegay qoraal uu shalay soo saaray Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Qoraalkaas xilka lagaga qaaday guddoomiyihii UCID ee gobalka Hargeysa, wuxuu u qornaa sidan: “Laga Bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 07/09/2013, waxa laga qaaday xilkii uu ka hayay xisbiga UCID Mudane C/Raxmaan Aadan Sheekh Haaruun oo ahaa Guddoomiyihii xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex. Markaanu arragnay xeerka xisbiga UCID Qodobkiisa 8-aad ee waayida xubinimadda xisbiga, Markaanu dhegaysanay Gudidii anshax marinta warbixinteeddii. Markaanu arragnay hab-dhaqankiisa waxa noo muuqatay in ku jiritaankiisa xisbigu ay khatar ku tahay sumcadda iyo midnimadda xisbiga UCID, isla markaana aanu arragnay inaanu buuxin shuruudihii xisbiga ee xubinimadda xisbiga.

Sidaasi awgeed, waxaanu maanta laga bilaabo 07/09/2013 xubin kama aha xisbiga, xilkii uu u hayay xisbiga iyo xubinimadiina waanu ka xayuubinay.”

Comments are closed.