Xukuumada Iyo Shirkadda Genel Energy Oo Maanta Ka Shiraya Sababaha Ay Dalka Uga Baxayso

0
531

Picture3Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shirkadda shidaalka ee Genel Energy kala shiraysa sababta keentay inay dalka ka guuraan, iyagga oo qaatay qandaraaska baadhista shidaalka ee gobollada bariga Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay mudanayaasha golaha wakiiladu arintan su’aal ka waydiiyeen ayaa sheegay inay maanta ahaan shirkadda arintaasi ka wada hadlayaan, isagoo dhanka kalena sheegay inaan wax amaan xumo ah oo ay dalka uga baxayaan aanay jirin.

Wasiirka oo arintaa faahfaahinayaana waxa uu yidhi “Arinta shirkadda shidaalku arin xaggeena ka timid maaha, nabadgalyo xumo xaggeena ka timidna maaha, shan cisho ka hor waxaan tagay Burco, waxay ka cawdeen tuulooyin doonayey wixii ay xaqa u lahaayeen sida shaqaale hoosaadka oo kale, taana si wanaagsan ayaanu u dhamaynay, mabsuudna way ahayd shirkaddu, dalkana wax nabadgalyo la’aan ah oo ka jirtaa ma jirto, nabadgalyo darada waxaynu u naqanaa waxa Xamar ka dhacayaa markay dhacaan, ee aad arkayso dad qaarkoodii hore iyo qaarkoodii dambe uu xoogaa hargo ahi u dhexeeyo”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Bulshada caalamku aadbay ugu qulqulayaan Xamar iyadda oo nabadgalyo daraduna caynkaas tahay, markaa innaga waa ILAAHAY mahadii oo waddankeena wax ka dhacay ma jiraan sababtana waxaynu ka sugaynaa shirkadda, berito (Maanta) ayaanu balansanahay inay inooga waramaan wixii dibada ah ee innaga awooddeena ka baxsan” ayuu yidhi