Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka Faalliyuh waa beenaale xitaa hadduu run sheego … (Q. 4)

0
714

Nostradamus diiwaankiisa shaadasha dunida waxa uu ku sheegayaa qiso aad ay isu weydiiyaan marar badanna warwar ku abuurta dadka reer Yurub, taas oo muujinays awood uu islaamku yeelan doono iyo in uu hoggaamiye muslim ahi la wareegi doono talada qaybo ka mid ah Yurub. Meelaha uu diiwaankiisan Nostradamus kaga hadlayo dunida Islaamka inta badan waxa uu isticmaalayaa magaca uu ula baxay oo ah, ‘Boqortooyada Muxammed’ marka uu arrinta hoggaamiyahaa muslimka ah ee Yurub qabsnaya ka hadlayana waxa uu odhanayaa, “Dhulka Carbeed ee Sharafta leh, waxaa ku dhalan doona Hoggaamiye awood badan oo u dhashay boqortooyada Muxammed. Boqorkani (Ninka uu sheegay in uu dhalan doono) waxa uu Yurub soo geli doonaa isaga oo xidhan cimaamad midabkeedu cirka oo kale yahay. Ninkaasi waa hoggaamiyaha mar kale soo noolayn doono ummad weyn oo dhimatay. Dadka oo dhan ayaa uu cabsi gelin doonaa, hoggaamiye sidiisa looga baqaa hore uma soo marin dunida” Boqorkan muslimka ahi waxa uu soo noolayn doonaa ummad dhimatay / dullowday oo mar labaad jiritaankeedu dunida ku soo noqon doono.

Qisada Nostradamus iyo boqoraddii Faransiiska:

Catherine de Medicioo noolyd intii u dhexeysay 1519 illa1589kii, oo isir ahaan ka soo jeedday dalka Talyaaniga laakiin boqorad ka noqotay dalka Faransiiska intii u dhexeysay sannadkii oo taajka boqornimada xidhatay iyada oo 28 jir ah illaa snnadkii 1559kii, waxaa saygeeda ahaa boqor Henry-gii labaad ee isna horteed xilka abtay.

Boqoraddani waxa ay dhashay  saddex wiil oo dhammaantood dabadeed boqorro ka noqday Faransiiska iyada oo weli nool, laakiin muddadasba waxa ay boqorad Catherine siyaasadda Faransiiska ku lahayd awood aad u badan.

Boqoraddan ayaa la sheegaa in intii ay wiilasheedu yar yaraayeen ay u tagtay Nostradamus iyada oo ka  dalbanaysa bal in uu u kitaab dayo mustabalka wiilasheeda. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in uu u sheegay in dhammaantood ay boqorro ka noqon doonaan dalka Faransiiska. Waxa kale oo uu Nostradamus muddo dheer ka hor sii saadaaliyey jabkii ku dhacay hoggaamiyihii Faransiiska ee caanka ahaa Napoleon Bonaparte, kaas oo uu sidoo kalana Nostradamus sii saadaaliyeyin markabkii weynaa ee faransiisku uu guban doono isaga oo ku sugan biyaha badda Masar, iyo in gubashada markabkaasi ay xasilooni darro badan ku soo kordhin doonto Masar. Waxa ay ahayd sannadkii 1798 markii kolonyo maraakiib ah oo uu leeyahay Napoleon ay ku soo xidheen Masar. Neslon oo ahaa masuulkii Ingiriiska ee joogay dhulka ayaa markiiba weerar ku qaaday maraakiibtan oo uu dhammaantood dejiyey.

Saadaalo kala duwan Nostradamus laga soo xigta:

1. Obama: Nostradamus waxa uu saadaaliyey in nin leh tilmaamaha madaxweynaha Maraykanka Barak Obama uu qabsan doono dalka Maraykanka, taas oo dad badani aamineen in ay dhabowday, laakiin waxa uu sii raaciyey in uu Obama noqon doono madaaxweynihii ugu dambeeyey ee u taliya Maraykan oo dhisan. Xiisaha saadaashaasi waxa uu dib u soo noqday bishii Noofambar ee sannadkan markii uu doorashada madaxweynaha Maraykanka ku guulaystay Donald Trump oo ah nin aan abidkii xafiis dawladeed ka soo shaqayn, isla markaana aan siyaasadda hore ugu soo jirin. Donald Trump waxaa intaas u dheer dhiirranaan marar badan jar isk xoornimo lagu tilmaami karo iyo in aanu raacinnidaamka diblumaasiyadeed ee dalkaasi ku soo socday muddada Laba Qarni iyo badhka ku dhow ee uu dalkaasi dawladnimada haystay.

Guusha Trump waxa  ay dalkaas ka abuurtay cabsi aad u weyn oo ay dad badani ka baqanayaan in uu noqdo kii dalka Maraykan u horseedayey burburkii iyo qarannimo jabkii uu Nostradamus sii saadaaliyey marka uu sheegayey in uu madaxweynaha Obama loo maleeyey uu noqon doono kiiugu dambeeyey dalkaas.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey dalka Maraykanka ka jiray doodo iyo falanqayn weli gudaha dalka ku kooban oo shaki gelinaysa in Marykanku sii ahaan karo quwadda dduunka, dhinacyo badanina sheegayaan in Quwadda dunida uu hadda kadib la wareegi doono dal uun ka mid ah dalalka Ruushka, Shiinaha ama Kuuriyada woooyi”

Isbahaysiyo aan caadi ahayn:

Nostradamus waxa uu saadaaliyey farogelinta uu Maraykanku ku sameeyo dawlado dhisan, iyo sida uu u abuuro dhibaatooyin iyo colaado. Waxa uu sheegay in Guriga Cad ee Maraykan uu leeyahay qorshayaal uu doonayo in dunid uu burburiyo, isaga oo ka bilaabaya gobalka Bariga Dhexe, gaadhayana heer uu xiisado iyo iyo qaalan-qal ka dhex abuuro dalal dunida ka mid ah, tusaale ahaan dagaallo sokeeyo, weerarro argagaxiso iyo ficillo u eeg kuwa illaa maanta ka socda dalalka Ciraaq, Afgaanistaan iwm.

Israa’iil:

Sida ay sheegayaan dadka turjumay buugga Saadaashu, Nostradamus waxa uu madow badan geliyey jiritaanka dawladda Israa’iil, laakiin haddana marka ay hoos ugu sii dhaadhacaan macnaha saadaashan, 

La soco………