Baahidu Waa Hooyada Ikhtiraaca: Dadka Reer Suuriya Oo Foostooyin Koronto Ka Dhashaday

0
682

1Dimishiq (Geeska)- Dagaallada sokeeye ee tobannaanka kun ee qof ku naf waayeen dalka Suuriya, waxa ay dulka la simeen magaalooyinkii, waxa aanay burburiyeeen gebi ahaanba adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan laydhka iyo nidaamkii qasabadaha ee ay muwaadiniintu biyaha kaga heli jireen.

Magaalada Edlib iyo miyiyada magaalada lagu halaagsamay ee Xalab, iyo Xamaat, oo muddo Afar sano ku dhow ay ka talin jireen xoogagga mucaaradku ayaa ah meelaha ugu daran ee adeegyada bulshadu ka burbureen. Laakiin waxaa xiise gaar ah leh sidadadka muwaadiniinta ah ee reer Suuriy ay uga shaqaysiiyeen maskaxda iyadaoo qaar badan oo ka mid ahi ay curiyeen adeegyo ay ku buuxiyaan kaalinta adeegyada dadweynaha ee ka lumay. Waxaa ka mid ah foostooyin si aab gudub ah laba loogu kala gooyey, oo laga dhigtay marawaxadu ay dabayshu wareejiso oo koronto ka dhalato.

Foostooyinkan oo sida sawirka ka muuqata lagu dul xidhay tiir bir ah oo loo sameeyey, marka ay wareegaan hawada ay samaynayaan waxaa qabanaya dab-dhaliye ku rakiban oo u beddelaya koronto, kadibna u sii gudbinaya baytaryo ku rakiban oo dabka ururinaya.

Abu Muxamed oo ah ninka isagu fikirkan ikhtiraacay ayaa sheegay in foostooyinkani ay wareeggaas ku dhaliyaan koronto qiyast qulqulkeedu (Voltage) yahay 220 Volt.

Habkan dab-dhalinta ah oo hadda dad koobani ka faa’idaystaan awooddiisuna ku xidhan tahay hadba inta ay le’egtahay awoodda dab-dhaliyaha iyo baytariga ku rakiban aya uu Abu Muxamed sheegay in uu wado qorshe ay dad aad u tiro badani uga faa’idaysan karaan korontadan ka dhalanaysa dabaysha, si looga raysto koronto la’aanta ka jirta deegaannadan kadib markii korontadii dawladdu ay ka goysay.