Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka Faalliyuh waa beenaale xitaa hadduu run sheego … (Q. 1)

0
832

Michel de Nostredame oo noolaa qarnigii Afar iyo Tobnaad waxa uu ahaa caalim ku xeeldheer cilmiga fiisigiska oo u dhashay dalka Faransiiska iyo xiddigiye caan ku ah ka faalinta godadka xiddigaha oo qoray buug weyn oo uu ku ururiyey saadaashiisa dunida ee markaa uu joogay iyo inta uu aaminsanaa in dunidu sii jiray oo ku eeg sannadka 3797ka.

Nostradamus Buuggiisa nuqulkiisii koowaad oo uu dhammeeyey sannadkii 1555kii waxa uu ku qoran yahay Afka Faransiiska, waxa aanu u bixiyey Les Propheties oo ah kelmad Af-Faransiis ah oo macnaheedu yahay, saadaal iyo in laga warramo wax soo socda, waxa aad mooddaa ereygu macne ahaa in uu faalka ka yara duwan yahay oo waxoogaa uu u jeedo ‘Garab Salaax’ oo kale.

Arrimaha xiisaha leh ee ninkan ku saabsan waxaa ka mid ah in ninkan buuggiisa oo haatan qoran muddo ka badan Afar Qarni iyo badh, tan iyo maalintaas uu soo saaray illaa maantana in si joogto ah kolba daabacistiisa loogu celinayey, waxa ugu weyn ee xiisaha gaarka ah u yeelayna uu yahay saadaasha ku qoran oo ay dadku u arkeen in qaybo badan oo ka mid ahi rumowday. Ama haddii aynu faalka beeninayno aynu nidhaahno, dhacdooyin badan oo maanta dunida ka dhacaya ayaa u eeg dhacdooyin uu isagu saadaaliyey 461 sano ka hor.

Waxa aynu qormadan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah saadaalaha laga soo wariyey Nostradamus ee la’ aaminsan yahay in ay yihiin ama u eeg yihiin kuwo aynu u soo joognay oo dunidan ka dhacay, arrintan oo dad badan oo dunida ah ku beertay cabsi iyo in ay qaataan dareen ah in saadaalaha kale ee qaarkood argagaxa leeyihiin ee Nostradamus uu sheegay in ay run noqon karaan iyaga oo kuwaa hore looga soo joogay marag gashanaya, waxase uu Geeska Afrika aaminsan yahay in timaaddada uu Alle oo keliyi og yahay iyo in faaliyuhu beenaale yahay xitaa haddii uu dhacdo ama war markaa taagan run ka sheego, waxaa iyaduna halkan xusid mudan in khubarada sayniska oo iyagu asal ahaanba aan aaminsanayn xidigisku ay saadaasha Nostradamus naqdiyeen, iyaga oo ku doodaya in qalad dhinaca turjumaadda ah oo mararka qaarkood badheedh  ah iyo fahmi uu sababay in dadka badankoodu  saadaasha Nostradamus u muuqato mid rumowday. Nostradamus isir ahaan waa Yuhuudi laakiin waxa ay ku dhaqmeen dalka Faransiiska waxa aanu abihii oo ganacsade ahaa waxa uu qaatay mad-habta Kaatoligga ee diinta Kirisitanka.

Taariikhda Xidigiska ee Nostradamus

Nostradamus inkasta oo uu laba jeer jaamacadda galay, haddana ma’uu dhamaysan, oo markii koowaad  duruufo ayaa ka reebay, markii labaad ee uu jaamacad caafimaadka ah galayna, markii uu muddo dhiganayey ayaa la ogaaday in uu caafimaadka iyo iibka dawooyinka ku shaqaysanayey muddo isaga oo aan caafimaadkii dhamaysan ama xitaa bilaabin, taas oo sababtay in masuuliyiintii sare ee jaamacaddu ka eryaan jaamacaddaoo weliba ka soo saaraan sharci weligii in uu ku soo noqdo ka mamnuucaya, si kastaba ha ahaato ee Nostradamus waa uu sii watay ku shaqaysiga caafimaadka. Weliba magac ayaa uu ku helay, oo xilliyadaas mar uu daacuun lagu le’day ka dillaacay Faransiiska, Talyaaniga iyo meelo kalaba waxa uu ka galay dadaal aad loo mahadiyey oo xitaa dadkii ogaa in aanu jaamacadda dhamaysan ku kallifay in ay Digtoornimo u qiraan oo ugu yeedhaan.

Muddo kadib oo uu Talyaaniga joogay ayaa uu Nostradamus mar keliya faraha ka qaaday mihnaddii caafimaadka ee lagu bartay, waxa aanu mar keliya ku baydhay cilmiga xiddigiska iyo in godadka laga saadaaliyo waxa maqan, waxa uu ka bilaabay sannadkii 1550kii in uu qoro diiwaan-sannadleh ah oo lagu baahin jiray saadaasha sannadkaas ee cimilada, taariikhahaku habboon in beeraleydu dhir beerato, xilliyada la filan karo in baddu aadu kacayso, iyo xogo muhiim u ahaa beeraleyda iyo guud ahaan noloshii xilligaas ee bilowga ahayd, iyada oo dhacdo kasta iyo saadaal kastaba lagu jaangoynayo waqti ku salaysan bilaha sannadka, tusaale ahaan  sannadkan bisha Juun qorraxdu waxa ay soo baxaysaa marka ay saacaddu 6.30 subaxnimo iwm. Dayaxa ama qorrax madoobaadka waxaa la arki doonaa bisha magacaas leh ee sanadkaas. Saadaashan oo ay dadku u arkeen in uu ku fiicnaa marar badanna ku faaniyeen ayaa ku sii dhiirrigelisay in uu gudaha u sii wada galo cilmiga xiddigiska. Oo inta uu ka gudbo saadaashii cimilada ee sannadlaha ahayd uu ku dallacay in uu qoro saadaashiisa inta ay dunidu jirto oo uu aaminsanaain dunidu dhammaan doonto sannadka 3797.

– Saadaashii indhaha ku soo jeedisay:

Nostradamus markii uu Talyaaniga tegey ee uu aadka ugu baydhay dhinaca saadaalinta cimilada iyo si guud timaadada, ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo jidka socda waxauu si kedis ah ugu soo baxay wadaad kaniisadeed dhalinyaro ah oo ka shaqaysta daryeelka iyo raacidda doofaarrada oo uu dadka lacag kaga qaato. Sida ay ilala imikaba tahay, dadku shaqo aad u hoosaysa ayaa ay u arkayeen, wiil yar oo doofaarrada dadka inta uu lacag yar ka qaato, daaqgeynaya oo mararka qaarkood ay ku kallifayso in uu geeyo meelo durugsan, laakiin Nostradamus markii uu ku soo baxay wiilkan inta uu degdeg ugu soo dhowaaday oo uu hor jilba-joogsaday ayaa uu ku yidhi, “Barakadiina” waa calaamad ay dadka kiristaanka ahi ku odhan jireen illaa haddana ku yidhaahdaan baadariga weyn marka ay la kulmaan. Dadkii shaaraca marayey aad ayaa ay ula yaabeen Nostradamus oo ay u arkeen qof aan maskaxdiisu kala garanayn wiilkan yar ee danyarta ah iyo wadaadka weyn. Laakiin arrintani waxa ay maskaxda dadka dhammaantood dib ugu soo noqotay sannadkii 1985ka oo in ka badan 30 sano laga joogay markii uu Nostradamus wiilka yar hor rukuucay, waayo wiilkii yaraa oo magaciisu ahaa Felice Peretti waxa uu noqday Sextus kii shanaad, ee ugu sarreeyey mad-habta Kaatoliga. La soco…