Banka Qooq Iyo Balo Ku Naax

0
658

1Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Axmed Colaad Digaale (Qorane) waxanu ku saabsanyahay  horumarka laga gaadhay musuqmaasuqa  iyo boobka hantida qaranka  waxana la tiriyay taariikhdu markay ahayd  2016/11/14

Waxana uu yidhi

Baryahaa xuseenaw abwaan baaqayaan ahay e

Hadaan mawdka lama baajiyee nolol ku baashaalo

Kolba boogta iimuuqataan baana leeyahay e

Baadida islaameed dugaag baylah tiri waaye

Adigoo aroortii ubaxay boholuhuu joogay

Bidhaantaada goortuu arkuu booca kariyaaye

Sidii suufi jaad badan cunoo foox budhbudhinaaya

Oo baala xooftada indhaha baasha utaagay  

Booxaaligiisaa libaax ba’an la moodaaye

Baqariyo hadii lagu akhriyo bariyo yaasiinka 

Bogsanmayso been iyo naftii barata laaluushe

Waa waxa garsoorkii bahdilay qaad la bixiyaa e

Baayacad mushtari bay noqdeen ruuxa baayaca  e

Baruur xumi baruuryaha kalay wada balaysaaye

Maantana baraarkii danbaa raacay budulkiiye

Boqolaal dilaal baa kacoo been ku xoogsada e

Hayeeshee dhawaaq loo bogaa soo dhawaan baxay e

Basar xumada nimankii yiqiin baadhashada jeebka

Imikaa bilays loo dalbaday bahaladii qaar e

Badhna waa xidheen qaarna waa baafiyaan wali e

Hadii anu bayaankii dhawayd dhaqanku beenaynin

Cadligii bakoorada qabaa soo baraarugi e

Midkaloo la baabaa jirtoon soo bandhigayaa

Burburkii dadwaynaha ku dhacay barakicii gaadhay

Musuqmaasuqii baa buloo baawar loo helaye

Ragna waa bursaday qaarna waa beer cadaad wali e

Ayaxii bandawgii dhashaa baal dilaacsaday

Baska shacabka goortaan koreen bari usoo jeeday

Jidka baalihiisiyo markaan bidixda eegaayo

Boqcadihii shaqaaluhu lahaa duul kalaw ubaxay e 

Waa booli qaran daarahaad bilicda yaabtaa e

Injidii bakhaarada badnayd buul kamuu hadhin e

Bariiskii abaaraha la waa bayt la sii dhigo e

Barihii taraafiguna waa baan nin leeyahay e

Bal tiyaatarkii daya halkuu bile u waageeray

Bahal suurad bini aadmi loo beel dayacan haysta

Adiguba bal eegoo hadii xerada loo buuxsho

Bakhti kama xishoodoo dhurwaa baari noqon waaye

Boqno gooyihii baa gadaal buur qabiil koray e 

Beensheegi maayee intaan biida ka higaadshay

Odhadkii wax beeqijiray wuu ka baaqsaday e

Dhismihii balaadhnaa markay udubtu boobaysay

Baarlamanku waa wada ogaa baladka taagnaaye

Moobeelkan loo bogay hadaan loogu shubin biilka

Bishimaha maxay uga xidheen baadilka umuuqda

Wax la soo baqoolaba markii bacadka loo saaray

Birmadbay shacbigu eegayeen baahi loo qabay e

Burka bahalba kama fiirinayn soo gadaal baxay e

Darkaloo ka ba’an baa yimoo baaqigii cunay e 

Boostiyo guryii booliskiyo aqalkii buugaagta

Badhtamaha magaalada ninkii booqday soo aragye

Badhna way gadeen qaanra way baayacaan wali e

Midkaloo la baabaa jirtoon kuu bandhigayaaye

Berjeex iyo xeryii baalehee buuxi jiray waayo

Badhtama habeenkiyo ilaa waaga barigiisa

Baabuuradaa lagu raraa biraha waawayne

Mid kaloo labaabaa jirtoon kuu bandhigayaaye

Gumaysiga  badraankii markuu beerka naga fuulay

Warmihiyo bilaawaha ninkii boodhka ka afuufay

Bilaalaha halyaygii udhigay culimadii baydhay

Dugsigii bashiir lagu xusuu beecu marayaaye

Waxay beeshu uqa qayliyeen waa war soo baxay e

Midkaloo la baabaa jirtoon kuu bandhigayaa

Barri  nooma nooliyo dhulkii baaxada lahaaye

Baadiye kol ay tahay ragbaa looga dhigay boon e

Bino iyo baloogyiyo markii beerba la’idlaystay

Barbariyo bankii xoolahaa haatan loo baxay e

Marka taliska loo baratamee loo banboxo hawsha

Bilistiyo caruuraha waxay bacadka duubaan ba

Habro boorso wayn iyo waxay badaw ku doobyaan ba

Wuxuu laba bogleeyaba ninkii baarka sare fuulay

Guryo baala dheer iyo markuu buur u gado waayo

Bada inuu cunaa baan ka biqi baabkii kii xamar e

Inkastoon dhaliilihii badnaa yarahe baaqbaaqay

Bara nabadi joogtaa nimciyo barako taalaaye

Markaa suu dhaqaalaha bukaa dhab u barbaaraaye

Hubkan lagu basbeeliyo markay oloshay baaruudu

Basanbaaskii  way  garan ragii joogay barigiiye

Nin badhaadhe sheegtiyo ninkii biil hidin waayay

Dadku waa uwada baahanyahay meel badbaada’ ahe

Hayeeshee waxbaa iiga baxay buuqa maalmahan e

Banka qooqu wayskaga baqaa awrka baar qabahe

Waa baadi waxu roorsadaa bilaha roobaad e

Ma bariisto dhawr bari ratiga  balo ku naaxaa e

Bulsha wayntu way garan inuu baarcadayn karo e 

Bal an eegno wuxay doonayaan beel ay didiyaane