Saadaasha Kala Duwan Ee Sanadka 2013-ka Ka Bixiyeen Xidigayaasha Aduunku (Q.3)

0
539

 

Picture2Yemen: Dalka Yemen waxaa sannadkan laga filan karaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda nolosha, kaas oo sababi doona dibad-baxyo waaweyn iyo cadho dadweyne oo meelo badan oo dalka ah laga dareemo.

Xasan Ash-Shaarni:

Shaarni oo ah xiddigiye caalamiya oo u dhashay dalka Tunisia waxa uu madax u yahay ururka midowga xiddigiyeyaasha dunida, saadaalaha uu ku soo caan baxay waxaa ka mid ahaa dimashadii amiiraddii Ingiriiska ee Diana oo uu sii saadaaliyey 8 bilood ka hor shilkii ay ku dhimatay iyo dhimashada Yaasir Carafaat oo uu muddo ka hor sheegay in uu sababo madow badani ku jiro u dhiman doono.

Shaarni mar dhowaan la weydiiyey saadaashiisa sannadka 2013ka  wax yaabaha uu sheegay waxaa ka mid ahaa: Khalkhal iyo masiibooyin dhinaca cimilada ah oo isugu jira dhul gariiro iyo dab dalal badan aafayn doona, khilaafyo iyo is mariwaa siyaasi ah oo la xidhiidha arrimo masiiri ah, siyaasadda dunida oo ay ku soo biiri doonaan wejiyo cusub oo caan noqon doona iyo siyaasiyiin iyo dad caan ah oo si kedis ah sababo aan la garanayn dunida looga waayi doono.

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama oo awooddiisa siyaasiga ah iyo sumcaddiisuba aad hoos ugu dhici doonto… xaaladda caafimaad ee boqoradda Ingiriiska oo xumaan doonta. Cudur-side ka khatarsan cudursidii caanka ahaa ee hargab-doofaarka oo dunida ka dhalan doona. Maxaweyne Maxamed Mursi-ga dalka Masar oo la dili doono. Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD oo iyag oo adeegsanaya basaasiin carbeed isku dayi doona in ay dilaan hoggaamiyaha Xisbu-llaah Xasan Nasrallaah, iyo shakhsiyad caan ka ah siyaasadda Lubnaan oo la dili doono…

Siyaasi caan ah oo reer Falastiin ah oo la dili doono… siyaasi reer Ciraaq ah oo isna caan ah ayaa laga yaabaa in sannadkan la dilo, waxaana ka dhalan doona dagaal diineed oo dalka Ciraaq lula… Madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush (Inankii) oo maxkamad la soo taagi doono, kadib marka ay soo qoraallo sir ah oo caddaynaya fadeexado been sheegid iyo majaro habaabin ah oo la xidhiidha qaabka iyo sababta uu dagaalkii Ciraaq u galay George Bush…  Sannadkan waxaa fashilmi doonta in hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laden uu dhintay sannadkii 2006-da, laakiin ay qarinayeen sirdoonka Maraykanka, cajaladihiisii warbaahinta dunida loo soo diri jirayna ay ahaayeen kuwo ay been abuureen sirdoonka Maraykanku… Falal aargoosi iyo hawgallo milateri oo dhex mari doona Lubnaan iyo Israel, ciidamada amniga Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee deggen Lubnaan oo isku dhici doona, aakhirkana kooxahaa Falastiiniyiinta ku qasbi doona in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada Lubnaan, iyo doodda ah in Falastiiniyiinta ay Israel dhulkooda ka eriday 1948kii la dejiyo Lubnaan oo soo noqon doonta iyada oo wadata magacyo iyo erey bixinno dunida ku cusub. Dhinaca kalana waxaa xogo cusub laga heli doonaa dilkii Rafiiq Al-Xariiri…. Urur diimeed cusub oo lagu magacaabo “Shaydaan Caabudayaasha” oo ka soo bixi doona dalalka Carabta… dhaqanno, hadallo iyo dhaq-dhaqaaqyo diimaha lagu af-lagaadaynayo oo laga maqli doono meelo badan oo dunida ah iyo falal aargoosi oo la xidhiidha oo dhici doona… Isu dheelli tiran dhinaca Nukliyeerka ah oo ay hadal hayntiisu ku soo badan doonto bariga dhexe… Dawladda Suuriya oo si weyn u kala qaybsami doonta, dhiigga daadanaya oo dalka ku sii badanaya iyo gobollo Suuriya ka mid ah oo ku dhawaaqi doona maamul ka madax bannaan dalka intiisa kale… Boqor Cusub oo Sucuudiga loo caleemo saari doono iyo dagaal ka dhici doona Xaramka gudihiisa oo ay iskaga hor imanayaan ciidamada amniga ee Sucuudiga iyo kooxo diineed aaminsan in uu Mahdigii soo baxay. dhowr dayax madoobaad iyo qorrax madoobaad oo dhici doona, hoggaamiyaha Alqaacida Ayman A-Dawaahiri oo dhimashadiisa lagu dhawaaqi doono.

Axmed Shaaheen:

Axmed Shaaheen waxa uu xubin ka yahay, midowga xirfadlayaasha xidigiska ee dalka Maraykanka, iyo sidoo kale ururka midowga xiddigiyeyaasha ee caalamiga ah.

Sadaashiisa sannadkan ee la xidhiidhay arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada oo aad u adag awgeed ayaa la sheegay in siyaasiyiin badan iyo dad caan ahi ay ka codsadeen in uu badhkeed oo xaasaasi sii ahaa uu qariyo. Sadaashaasna waxaa ka mid ah:

Boqor Cusub oo Sucuudiga qabsan doona, iyo dagaal laga filan karo Xaramka gudihiisa… Ciidamada Masar oo ay cadho badani soo dhex geli doonto… Madaxweyne Mursi oo mar keliya la waayi doono meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxaana la isla dhex mari doonaa in uu dhintay, laakiin mar dambe ayaa si kedis ah loo ogaan doonaa in uu nool yahay, wax dhibaato ahina aanay jirin. Dalka Qatar waxaa isna mar keliya la waayi doonaa boqorka dalka waxaana xilka boqornimo qaban doona Tamiin Bin Xamad…. Jasiiradaha Bermuda ee dalka Maraykan waxaa lagu arki doonaa nin dadka ka yaabiya oo ku baaqaya nabad…. Rabshado dhiig ku daato iyo is mari waa Falastiiniyiinta dhexdooda ah… Calanka Islaamka oo kor u kici doona… Dagaal ciidamada Turkey iyo kuwo reer galbeed ah oo isku dhan ahi ku wada jiraan… Doonyo iyo maraakiib badan oo qaraqmi doonaa… Baadari asalkiisu madow yahay oo Vatican ka xukumi doona…

 

 Keliya waxaa hadhay in aynu nidhaahno faaliye (Xiddigiye) waa beenaale, xataa haddii uu run sheego… Dhammaaad