Aragtiyaha Shacabku ka bixiyeen xulashada Geeska Afrika Ee Shakhsiyadda Sannadka

0
581

 

sacadWargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta halkan wakhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa qaar ka mid ah akhristayaasha wargeyska oo aragtidooda ka soo dhiibtay shaqsiyada sanadka ee xukuumada madaxweyne Md.Axmed Siilaanyo, oo uu Geeska Afrika sannadkan u xushay  wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire:

Yoonis Jaamac

Waxaan maamulka iyo howl wadeenada Wargeyska Geeska Afrika ku bogaadinayaa howsha xilkasnimo bulshada ugu soo bandhigeen shakhsiga ama masuulka sanadka 2012 ee xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo noqday Dr.Sacad Cali Shire, wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka. Run ahaantii, qiimaynta wargaysku sameeyay waa mid ku salaysan xaqiiqada isla mar ahaan taana ka fog eex iyo qof jeclaysi. Hambaylo Dr.Sacad Cali Shire

Axmed Cabdi Maxamuud

Waxaan halkan uga mahad celinayaa wargayska Geeska Afrika oo mar walba u heelan raali galinta macaamiishiisa una soo gubiyay warara sugan. Runtii waxaa marag ma doon ah in uu wasiirkaasu yahay wasiirka ugu mudan sanadka.

Khayre Shaqale Maxamuud

Wargaysku waa uu mahadsan yahay sida daacadu ku dheehantahay ee aad u soo xusheen shaqsiga ugu wanaagsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, waxaan leeyahay waa mid aad run ka sheegteen hadii aad Sacad Cali Shire u soo xusheen masuulka sanadka.