Hargeysa: Furitaanka Kulan Lagaga Hadlay Qorshaha Shanta Sanno Ee Ka Hortagga HIV/AIDS

0
516

 

Picture1Hargeysa(Geeska)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay kulan lagaga hadlayo qorshaha lagu wajahayo shanta sano ee soo socota ka hortaga Virus-ka dhaliyaha xanuunka AIDS.

Kulankan oo uu soo agaasimay Komishanka ka hortaga HIV/AIDS-ka Somaliland ee SOLNAC oo ka furmay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa socon doona saddex maalmood, kaas oo lagu gorfayn doonaa sidii loo daadajin lahaa qorshe lagaga hortagayo HIV/AIDS, isla markaana dib u eegi lagu samayn doono qorshihii hore sidii uu u dhaqan galay iyo waxyaabaha ka qaldamay. Waxaana goobjoog ka ahaa SOLNAC iyo UNAIDS.

Ugu horayna waxa halkaasi Faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka Agaasimaha Komishanka ka hortaga AIDS-ka Somaliland Mr. Maxamed Daahir, kaas oo sheegay in kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ka sakow furitaanka qorshaha shan sannadlaha ah ee loo dejiyey la-dagaallanka AIDS-ka lagu falanqayn doono in la cusboonaysiiyo qorshe qarameed hore loogu sameeyey la-dagaallanka xannuunkan iyo qiimayn lagu sameeyo wixii ka hirgalay iyo dib-u-dhaca ku yimi ee aan lagu guulaysan.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Dr. Elo oo ka socday hay’adda UN-AIDS, kaas oo sheegay in Somaliland ay xuduudo dhaadheer la wadaagto wadamo Xanuunka AIDS-ku halakeeyey, waxaanu yidhi “Somaliland waxay badhtanka ugu jirtaa waddamo uu xannuunkani heer sare ka marayo marka loo eego iyada, laakiin isku socodka, jidadka ganacsiga ee dalalka jaarka, dekedda Berbera iyo xuduudaha furani waxay waajahaysaa khatar ku saabsan fiditaanka HIV/AIDS-ka, sidaa darteedna waxa loo baahan yahay in si adag loo waajaho.”

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay shirkan lagu furayo shanta sanno ee soo socda qiimaynta iyo dabagalka lagu samaynayo aafadan ku soo koradhay caalamka ee HIV/AIDS-ka, runtiina waa mid aad loogu baahan yahay in dhammaanteen aynu ka wada hawlgalno min madaxweynaha ilaa qofka inoogu hooseeya, sababta oo ah waa aafo dhibteeda leh. Inta ka shaqaysa hawlaha xannuunkan ee hay’adaha dawladda heer kasta, ururrada waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ahba waxa idinka saaran xil gaar ah iyo aad culays dheeraad ah saartaan, annaguna ka dawlad ahaan waxaannu diyaar u nahay kolba wixii awooddayada ah in aannu idinla garab joogno sidii Somaliland looga cidhib-tiri lahaa mustaqbalka aafadan caalamka ku soo koradhay. Innagoo ah dad Islaam ah oo diinteena iyo dhaqankeennuba ina farayaan in laga dheeraado waxa keena oo ah fawaaxish iyo in qof bini’aadam ah oo ka gudbaya xadkii loogu talogalay, taasina waa masuuliyad inna wada saaran wacyigelinteeda iyo dadka u sheegideedu,” ayuu ku soo koobay baaqiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici.