Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (14)

0
717

Maaqi Farax:

Haweenaydan xiddigiyaha ah ee reer Lubnaan oo aynu hore u soo aragnay qaar ka mid ah saadalaheeda ayaa iyaduna ku andacoonaysa in sannadkan 2017ku uu ka wanaagsanaan doono sannadkii ka horreeyey, waxa se ay hoosta ka xariiqday in xiisado siyaasi ah iyo khilaafyo badani ka dhici karaan meelo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Jabaan iyo Ustareeliya.

– Loollan iyo colaado caalamiya oo gaadha in meelaha qaar la isu adeegsado hubka kiimikad ah, Afgembyo dalal kala duwan ka dhaca, lu’lan dhaqaale iyo weerarro argagaxiso oo in badan oo dunida ka mid ah saameeya. Shilal diyaaradeed, dhul gariir.

– Aqoonta cilmigu u leeyahay cudurka Kansarka oo furanta iyo dawo fiican oo loo helo cudurkan dunida faraha baas ku haya.

Maxamed Bakar:

Maxamed Bakar oo ah xiddigiye ka tirsan dariiqada suufiyada ee dalka Yemen ayaa isaguna arka in sannadka 2017ka uu khilaaf ba’ani ka dhex abuurmi doono qoyska boqortooyada Sucuudiga, kaas oo sababihiisa ugu waaweyn uu ka mid yahay dagaalka uu boqor Salmaan ku qaaday Xuutiyiinta Yemen, iyo in aakhirka khilaafku gaadhi doono in amiirro qoyska ka mid ahi ay xulafo la yeeshaan Shiicada Sucuudiga iyo Xuutiyiinta, boqorkuna kaga jawaabi doono in uu xabsiyada ku guro amiirro mucaarad ku ah. Waxa kale oo uu khilaafkani saamayn doonaa isbahaysiga dagaalka Yemen ee Sucuudigu hoggaamiyo, iyada oo dawladda Imaaraadku ka bixi doonto isbahaysiga.

Xuutiyihiinta oo isku dayi doonta in ay ciidamadeeda ka tallaabiyaan xuduudka Sucuudiga iyo mid ka mid ah madaxda ugu sarraysa Xuutiyiinta oo ku dhiman doona jawaabta Sucuudigu ka bixiyo iskudaygaas gudo galka.

Xisadda iyo xasilooni darrada siyaasiga ah ee Sucuudiga oo saamayn doonta dalka Baxrayn oo uu boqortooyda ka dhisan xoog ku ilaaliyo dalka Sucuudigu. Kacdoonnada ka soo horjeeda boqortooyada oo Shiico u badan ayaa ku guulaysan doona in ay boqorka dalkaas xukunka ka tuuraan. Shiicada Kuweyd oo xoogaysan doonta qasabna ka dhigi doonta in boqortooyadu ay dib-u-habayn ballaadhan samayso.

Xasilooni darro siyaasi ah oo ka dhici doonta dalka Masar, aakhirkana keeni doonta in uu taag-darro badan dareemo madaxweyne Siisi, kadibna uu u qayshado dalalka Carabta iyo reer galbeedku in ay soo farogeliyaan si ay xukunkiisa u badbaadiyaan. Laakiin ma’ dhici doonto in uu badbaado ee waxaa xukunnka qabsan doona nin ka mid ah dadka kacdoonka hoggaaminaya oo ka soo jeeda qabiilooyinka la sharfo ee sheegta in ay isir ku leeyihiin Nebi Muxamed (SCW).

Dhaqaalaha Dunida:

Dhibaatooyinka is xig-xiga ee dunidu waajahi doonto ayaa sabab u noqonayaan in uu burburo dhaqaalaha dunidu, waxa aana xigi kara dagaal weyne dalal badani ku lug yeeshaan oo lagu magacaabo dagaalweynaha saddexaad ee dunida.

Dhibta dagaalkan saamaynteedu waxa ay dunida wada gaadhaysaa marka la xidho marin biyoodka Baabul-Mandab iyo Marin-biyoodka kale ee jidka u ah saliidda Khaliijku u dhoofiyo sayladaha reer galbeedka. Dagaalkan aakhirka waxaa ku gacan sarrayn doona Isbahaysig Shiinuhu la jiro.

– Shiinaha ayaa laga yaabaa in uu si dadban u qabsado dalalka dunida saddexaad gaar ahaan Afrikaanka iyo Carabta, laakiin muddo dheer taasi ma sii socon doonto.

Maraykanka:

– Madaxweyne Donald Trump oo la filayo in siyaasaddiisa arrimaha dibaddu ay si adag ugu xidhnaan doonto siyaasadda tamarta ee Maraykanka, ayaa la saadaalinayaa in uu xoogga saari doono sidii shidaalku u qaaliyoobi lahaa, isaga oo dhinaca kalana dhiirrigelinaya in ceelal badan oo shidaal dalkiisa laga qodo, arintan ayaa uu Trump ku kobcinayaa dhaqaalaha shirkadaha iyo dalalka waaweyn ee shidaalka soo saara oo uu Ruushkuna ka mid yahay.

Hannaanka la filayo in uu Donald Trump u maro shidaal dhimistana waxaa ka mid ah in uu hoos u cadaadiyo dalalka uu u arko in aanay saaxiib ahayn oo Iiraan ugu horreyso.

– Waxa uu odorosku sheegayaa in Trump uu ka shaqayn doono sidii uu u beddeli lahaa taliska dalka Iiraan. In kasta oo uu Ruushku bilowga hore arrintan dareen diidmo ah ka muujin doonno, haddana madaxweynaha Maraykan oo soo maraya xoghayihiisa arrimaha dibadda Rex Tillerson oo ah nin aad Ruushka ula saaxiib ah ayaa madaxweynaha Ruushka ku qacin doona in arrintani aanay waxba yeeli doonin danihiisa gobalka.

– Xidhiidhka Maraykanka iyo Shiinuhu waa uu xumaan doonaa, waxa aanu Shiinuhu si aad u adag uga hor iman doonaa dadaalka uu maamulka Trump ku doonayo in uu ku carqaladeeyo dhaqaalaha dalka Iiraan, kuna dhiirrigeliyo dalalka badhtamaha Eeshiya, oo uu Shiinuhu u arko in ay ka mid yihiin dhulka awooddiisa hoos yimaadda.

– Madaxweynaha Filibiin ayaa la khaarajin doonaa, waxa aana dilkiisa lagu tuhmi dalka Maraykanka oo loo malaynayo in uu kaga aargoostay mucaaradadda uu madaxweynaha Filibiin kala hor iman doono Maraykanka dalkiisana u duwi doono dhinaca saaxiibtinimada Shiinaha, taas oo ka cadhaysiin doonta Maraykanka iyo saaxiibbo awood badan oo uu ku leeyahay gudaha dalka Filibiinis. La soco…………….