Kaftanka Maanta , Tolkaa Ubo Ku Taala, Looguma Taliyo Axmed Guruje

0
811

Sheekaba sheeko ayay keentaaye waxa la yidhi , beribaa beel soomaaliyeed oo deegan dhul u dhaxeeya ceelasha oogada iyo dhulka hawdka ayaa safar u diratay magaalada berbera xili jiilaala .

1

Sidii dhaqanka waagaasi ahaa , beeshaas oo ka koobnayd qoysas aad u tiro badan , qoys waliba wuxuu safarkii ku daray wuxuu islahaa waxbay kuusoo goynayaan si ay ugu soo badashaan dhuuni ay jiilaalka kagga baxaan .Rag iyo dumar intii xoog lahayd ayaana safarkii ka kaxaysay .

Intii safarki maqnaa , beeshuna raashin laadahay , ayaa hawd sarre darooro ka hilaacee, ka dibna waxa laggu soo waramay in Harro doolood roobantahay , war la helyaaba tallo ayaa la helaaye , shir baa la isugu yimi , warkan soo kordhay lagaga arinsado .

Ragii shirka joogay wuxuu u batay , in beeshu raashin laadahay , safarka oo maqan hadii la guurana uu raagayo , sidaa darteed , kol hadii xooluhu aanay gaajo xun qabin , safarka la baxnaaniyo , si aan dadku u saranseermin .

Oday ragii shirka fadhiyay ka mida oo baryahaa wadaadiisa lasoo dhibaadiyay oo shaw dhawr ubo oo subagi guriga u taalo ayaa kacay markaasuu yidhi ;- Waar niman yahow cirka da'ayna waa maqasheen , xiliguna waa jilaal , dhan walbana waa laga soo guurayaa , inta safarku maqan yahay , dadku dhiman maayaane , kol ay midhaystaana waxbay cuniye aynu deegaanta ku guuro ,yaan guryaha la inooga horayne . shirkii waa la isku mari waayay , dabeetona waa laggu kala kacay .

Ninkii odayga ahaa markuu gurigiisii ku noqday , ayay islaantiisii oo loo waramay ku tidhi , hebeloow beeshu ubad yaryar bay leedahay , oo waayeel gaboobay bay leedahay , oo dad xanuusanaya bay leedahay , oo maati jiliicsan bay leedahay , dadkuna sidaada ubooyin subaga ma wada haysto , markaa tolkaa ubo subaga oo guriga kuu taala looguma taliyee , beesha ha jabinin safarku ha u yimaadee .

Imika waa halkaase Xisbigii kulmiye Ubaxa iyo dooga ku yaala , Hoteelada hargaysa ee ay ku sheekaystaan ayuun bay arkeenoo , wuxuun bay lasoo taagan yihiin , doorasho hala qabto .

13 Gobol ee abaarta awgeed lagga hayaamay , caruuraha lagaga guuray cidlada , geediga doonyaha miciinsaday iyo waayaha taaganiba uma muuqdaan .

Dee markaa waxaynu leenahay , adeerayaal hadaa hadh qabow iyo hoteelada qurxoon ku eesh-qaraarteen ,dadku naftii baa haysa , oon iyo gaajo ayaanu uliitaaye , ladnaan keligaaya dal looguma taliyo .

'' sidda geed abaareed .

Inta uu gud-gude helay ,

gubad raysku jiifiyo ,

Gurma go'an ku hoos yaal ,

Adigaa gel-gelin iyo ,

Gal-xareed ah jiifoo ,

Maba ogid gu iyo dayr , mid la gaadhi doonee .