Saacada ugu badan iyo kuwa ugu yar ee Sannadkan dalalka kala duwan ee dunida laga soomayo: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
643

22843-0021001-Argentina:  Dalka Argentina oo ku yaalla Koonfurta Ameerika (Qaaradda Latin Ameerika), caasimaddiisu waa Buenos Aires dadkiisa oo ah 41 Milyan iyo 280 kun oo ruux, boqoliiiba 1.9 ayaa muslim ah, xilliga ay sannadkan bisha Barakaysan ee Ramadaan ku soo beegantay awgeed waxa ay Muslimiinta dalkaasi af xidhnaan doonaan Sagaal saac iyo badh keliya maalin kasta oo ah inta ay qorraxdu soo jeeddo, taas oo ka dhigaysa dadka saacadaha ugu yar dunida sannadkan ka soomaya.

2-Australia: waxa ay ku taallaa koonfurta shishe ee dunida, cilmiga juqraafigu waxa uu ku tiriyaa in ay tahay qaarad madax bannaan waana dalka lixaad ee dunida ugu weyn. Magaalada dalka Australia ugu weyni waa Sydney laakiin caasimadda dalku waa Canberra. Dalkan waxaa ka mamnuuc ah in dawladdu ay ku dhaqanto ama sharciyada dalka ku salayso haba yaraato ee nooc diineed, waxaanay u badan yihiin dad aan diin ku dhaqmin ama aaminsanayn, si kastaba ha ahaato ee waxaa lagu tiriyaa in dadkiisa inta badani ay asal ahaan ka soo jeedaan diinta masiixiga.

Dadka dalka ku dhaqani waa 22 Milyan iyo 675 kun oo ruux boqolkiiba 2.2 keliya ayaana ah muslimiin u badan dad ku soo haajiray dalka. Sannadkan saacadaha uu dalkaasi qorraxda arkayo ee muslimiintu ay af xidhnaan doonaan waa 10 saacadood.

3- Koonfur Afrika: Dalka Koonfur Afrika oo sida magaciisaba ka muuqata ku yaalla cidhifka koonfureed ee qaaraddan Afrika, magaalada dalka ugu weyni waa Johannesburg laakiin caasimaddu waa Pretoria. Dalkan oo dadkiisu dhan yihiin 48 milyan iyo 810 kun oo ruux, waxaa muslim ah boqolkiiba Hal iyo badh, saacadaha la soomanaanayo ee maalinti iwaxa ay noqonayaan Toban saac iyo badh.

4. Brazil: Waa dalka ugu ballaadhan qaaradda Koonfurta Ameerika waana dalka Shanaad ee dunida oo dhan ugu baaxadda weyn uguna dadka badan. Magaalada dalka ugu ballaadhani waa Sao Paula, laakiin caasimaddu waa Brasilia. Dadka reer Brazil waa 192 Milyan iyo 776 kun oo ruux. Dalkan oo ka mid ah dalalka dunida ugu muslimka yar dadka Islaamka waxaa aaminsan in ka yar boqolkiiba hal loo sii qaybiyey boqol meelood, 0.01%

Saacadaha maalintii ay qorraxdu dalka dul joogayso sannadkan ee muslimiintu ay af soomanaan doonaan waa 11 saac…………….La Soco