Addis Ababa(Geeska)-Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ra’isul wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi uu ku maqanyahay fasax uu u qaatay xanuun haya, balse uu sii heyn doono awoodda dalkaasi, inta uu iska soo daweynayo xanuun aan la carabaabin
Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia Mr. Bereket Simon oo si kooban kula hadlayay warbaahinta magaalada Addis Ababa , ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayay in uu aad ugu xanuunsanayo cusbitalka Saint Luc Hospital ee Brussels, dalka Beljiimka.
Bereket Simon waxa uu si gaar ah u beeniyay warar lagu qoray baraha intenetka ee mucaaradka Ethiopia oo sheegayay in Ra’isul Wasaare Meles uu la xanuunsanayo cudurka Kansarka oo maskaxda kaga dhacay.
Mr. Bereket Simon, wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee Raysalwasaare Meles Zenawi ay wanaagsantahay, dhaqsana ugu soo noqon doono dalka Itoobiya iyo shaqadiisa. “Wuxuu ku jiraa xaalad caafimaad oo wanaagsan, waxaanu sheegay inay dhakhaatiirtiisu kula taliyeen inuu nasto, laakiin afhayeenku wuxuu ka gaabsaday inuu sheego xanunka Raysalwasaaraha haya iyo weliba dalka uu ku suganyahay. “Ma jirto baahi keenaysa in la sheego meesha uu joogto.” Ayuu yidhi afhayeenku.