Weriye Mary Harper Oo Xukuumada Iyo Saxaafadaba Midba Talo Muhiima U Jeedisay

0
493

wariyeHargeysa (Geeska)- Weriyaha BBC u qaabilsan Afrika, Mary Harper ayaa u soo jeedisay saxaafada iyo xukuumada Somaliland inay masuuliyad ku shaqeeyaan,  oo saxaafadu warar been ah qorin, haddii warar xaqiiqo xasaasi ah la qorana xukuumadu aanay saxaafada jeel dhigin.

Mary Harper, oo Maxamuud walaaleye oo Geeska Afrika ka tirsan iyo Yuusuf oo shabakada Somaliland Sun ah, wareysi dheer la yeesheen ayey sheegtay in madaxweynayaashii Somaliland soo maray saddex ka mid ah kulamo iyo wareysi la yeelatay, halka fursad aanay u helin Madaxweynahii hore Daahir Rayaale.

Wareysiga iyo jawaabahii ay ka bixisay Mary Harper ayaa u dhacay Sidan:

Muddadii dheerayd ee saxaafada aad ku jirtay adigaa dadka wareysan jiray, weligaa adiga wareysi ma lagula yeeshay?

Haa, waan xusuustaa markii ugu horeysay ee wareysi la iila yeesho, waxaan joogay dalka Laybeeriya, markii dagaalku dhamaaday, dhamaan dalkuna burbursanaa, waxa wareysi ila yeeshay idaacad gudaha ku taal, waxay ahaayeen weriyeyaal geesiyaal ah, laakiin inta badan anigaa wareysi la yeesha dadka. Ilaa muddadii aan soo bandhigay buugayga cusub in badan oo saxaafada caalamka ah ayaa wareysiyo kala duwan ila yeeshay, oo Soomaali iyo kuwo kaleba isugu jira. Waxaan filayaa inay guul ii tahay inaan dhinaca kale ee codbaahiyaha joogo oo igu cusub.

Weliaa fursad ma u heshay la kulanka hogaamiyeyaasha Somaliland, hadday haa tahay, maxaad nooga sheegi kartaa hogaamiyenimadooda iyo oofinta ballanqaadyadooda?

J: Waxaan la kulmay saddex ka mid ah afartii madaxweyne ee Somaliland soo maray, oo ugu horeyn aan la kulmay Alle haw naxariistee, Madaxweynahii Cabdiraxmaan Axmed Cali, xilli uu joogay Muqdisho, waxaan sidoo kale la kulmay Alle haw naxariistee, Madaxweynahii Maxamed Ibraahim Cigaal sannadkii 1994-tii, waxuu ahaa nin halista u badheedha, oo Somaliland ku soo badbaaday, waxuu ahaa nin dabeecad aan la ilaawi Karin lahaa, kana baqan jirin cadeynta waxuu aaminsan yahay. Ma ilaawi karo wareysi aan ka qaaday Cigaal oo BBC baahisay. Nasiib uma helin inaan la kulmo Madaxweynahii hore Daahir Rayaale kaahin, laakiin, fursad waan u helay inaan kula kulmo Ingiriiska iyo Somaliland oo wareysi kula yeesho Madaxweyne Axmed M. Siilanyo.

Ma jirtaa tallo aad u jeedinaysid Suxufiyiinta Somaliland iyo Xukuumada ku aadan wada shaqeyntooda?

Halkan inaan talo qofna siiyo uma joogo, waxaan ahay suxufiyad waxay la kulanto soo bandhigta. waxaan u  soo jeedinayaa suxufiyiinta iyo xukuumadaba inay masuuliyad muujiyaan. Suxufiiyiintu waa inaanay warar been ah u gudbin bulshada, dhinaca kalena, haddii saxafigu war sugan baahiyo waa inaan xukuumadu jeel dhigin. Su’aalo kale iyo jawaabahii ay ka bixisay kala soco caddadka xiga.