Fanaanadii Qamar Harawo Oo Turkiga Lagu Xukumay

4
669

Picture3Turki(Geesk)-Fanaanda Qamar Cabdilaahi Harawo oo dhalasho ahaan u dhalatay Somaliland,ayaa lagu xukumay dalka Turkiga ka dib markii lagu qabtay iyada oo dalka Turkiga  galinaysa waxyaabo sharciga dalkaasi aanu golayan, oo ahaa geedka qaadka.

Fanaanada ayaa maxkamada la saaray isla markaasna xukun ku dhacay oo xabsiga loo gudbiyay,inkasta oo aanay warbaahintu  helin xukunka ku dhacay inta uu yahay.waxa warbaahinta sidan u sheegay safiirka Somaliya u jooga dalka Turkiga oo sheegay in wakhtigii la qabnaayay ay sidatay baasaboor mid ka mid ah dalalka Yurub.

 Fanaandan ayaa ka mid ahayd fanaaniinta caanka ka ahayd dadka Soomaalida dhexdooda,waxaana lagu xasuustaa heeso iyo waliba masraxiyado ay ka qaybqaadatay.

Fanaanada ayaa shandadeeda waxa laga helay jaadka oo ay ka soo qaaday magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Comments are closed.