Ribada La Jiifiyaana Banaan La Joojiyaana Banaan W/Q:Maxamed Cabdi Daauud(3aad)

0
831

Xadiisku, waxa uu meesha ka saaray, muranada ku yimaadda ganacsiga maanta75%. Waana mid loo bogay.

1111111111111

Dahabka iyo Lacagta (Silver), iyaga waa lagu doorsan karaa afarta dambe iyo bedeecadaha kala duwanba. Halkan miisaanku shardi noqon maayo, ee waxaa shardi ah Sicira-Suuq. Haddii bixinta midkood dib loo dhigana, deyn xalaal ah, oo qiimaysan buu noqonayaa. Waxaa xusid mudan Xadiis daciif ah oo hashkadaynaya, oo sanadkiisa ay ku jiraan lama-yaqaano, oo haddana dad badani ay ku dhegeen, si ay ay ku xalaashadaan Ribada ama dulsaarka. Xadiiskaas waxa soo werinaya Camar Binu Caas. Waxaanu leeyahay Camar: “Rasuulkahttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png ayaa i faray inaan awrkiiba ku qaato laba awr oo amaah ah. Si aan u diyaariyo xoolihii lagu Jihaad tagi lahaa oo mar dambe laga magdhabi doono xoolaha Sakada ee la soo ururin doono”. Ka sakaw Daciifnimada Xadiiska, iyo ka hor imaadka quraanka iyo Axaadiista saxiixa ah … intaba haddii layska liqo;Waa goorma markuu arrinkaasi dhacay? Waqtigaasi miyuu ka horeeyay mise wuu ka dambeeyay Xajkii ugu dambeeyay ee Nabigahttp://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Mohamed_peace_be_upon_him.svg/220px-Mohamed_peace_be_upon_him.svg.png uu gutay, ee la odhan jiray Xajkii Waddacaadda, kaas oo dulsaarka lagu xarrimay? Waqtigaasi hadduu ka horreeyay Xajkaas waa dulsaar aan la xarrimin xilligaas. Hadduu ka dambeeyayna waa dulsaar ka hor-imanaya Quraankii xarrimay Ribada. Labada goorba ma jirto xujo adag oo uu haysto Xadiiskan daciifka ahi.

Xadiiska noocaas ah ayay Carabtu cuskadeen si ay u jideeyaan waxa ay u bixiyeen A-Deyn Bil Ajal, macnaheedu yahay deyn dulsaar wadata oo mar dambe layska bixin doono, oo ay ku sheegeen xalaal. Baananka sheegta Nidaamka Islaamka ayaa jidaystay waxa ay ugu yeedhaan Muraabaxa. Oo ah maskiin doonaya guri ama gaadhi inuu deyn ku qaato, ayay ku odhanayaan; “Gaadhigu, sicira suuqa, waa $15000, ee aan kugu qorno $20,000, oo mar dambe aad iska bixiso, si hal mar ah ama marar kala dambeeya ah”. $5,000 ee siyaadada ah, waa macaash ku sheeg ay jidaysteen, iyaga oo cuskanaya Xadiiskii Camar Bin Caas. Waxaa la xadayaa Caqliga Bulshada Muslinka ah.

Waxaa jira, oo taas ka duwan, oo xalaal ah, oo wax-ma-haystaha  iyo kuwa ladan isku soo dhaweynaya, shaqo abuurna samaynaya Mudaarabada. Taas oo ah in ciddii adduunka haysaa, ay la shuraakawdo cidda aan adduun haysan, ee laakiin xoog iyo xeelad haysa. Oo wixii la macaasho la kala qaybsado. Haduu Khasaare yimaaddana  cidda adduunka lahayd bixiso.

Sidaas ayay diinta Islaamku u habaysay ganacsiga iyo deynta. Oo ay u xaaraantimaysay Ribada ama dulsaarka. Oo ay u dhiiri gelisay deynta bilaa dulsaarka ah. Sidoo kale ayay ahaan jireen Diimihii Samaawiga ahaa. Laakiin Yuhuudda iyo Macatabkuba waxa ay u soo gabaara gurdeeyeen Ribadii oo ay xalaashadeen.  Isla sidaas ayuu Muslinkiina ka eegtay Yahuudda iyo Nasaarada. Oo Muslinkiina  xalaashadeen Rabadii iyo dulsaarkii. Muslinku maantu, isaga oo aan isku dheeli-tirin deyntii, Sakadii, Ribadii iyo ganacsigii, ayuu doonayaa inuu mid ahaan fuliyo iyada oo qaybihii kale maqan yihiin. Taasina waxay keentay dhakafaarkii ugu weynaa ee lagu fulinayay Islaam kala dhiman. Waxaa sidoo kale ah Jihaadka iyo Dirirta Diimeed. oo u baahan in xilligiisii iyo nidaamkiisa dawladeed loo maro.

Dawlad qudha ah, oo dabaqday Islaamka, manta ma jirto. Dawladaha Carbeed iyaga ayaa ugu fog, oo aan haybsan karin Islaam dhammays tiran. Waa iga su’aale, markay sidaas tahay, siday u dabiqi karaan Dulsaarkii ugu dambeeyay wax la xarrimo. Waxay Dulsaarka ku cunaan dhuumasho dhabarku muuqdo, oo ay magacyo kale ula baxeen. Baananka la baxay Islaamigu, waxa ay qaataan dulsaar ka badan ka ay qaataan Baananka Reer Galbeedku. Dulsaarkaas oo waliba laba-laabamaya in ka badan shan goor.

Baanka Islaamiga ahi waa ‘Baytal Maalkii Muslimiinta’. Waa mid qaranku leeyahay, lagu ururiyo Sakada. Hayn kara amaanada, dayaca ka ilaalin kara hantida guud iyo ta gaarba. Korjooge u noqon kara Baananka kale ee Muwaadinka iyo ajnabiguba leeyihiin, si dayaca iyo dafiraadda looga ilaaliyo adduunka ay leeyihiin bulshada la macaamishaa. Iyada oo la eegayo shuruudaha ka horreeya Xarriminta Dulsaarka, sida Nidaamka Islaamka ee Deynta, oo aan ka jirin Somaliland, iyada oo aan ogsoon nahay inaanu jirin xataa dal keli ah oo dabaqay Shariicada ama leh Baanan ku dhisan shariicada oon dusdus lahayn … iyada oo taas iyo teeriba jirto waa ayaan darro in dalkan loo xidho laba Baan oo iyaba dhuuqaya dulsaarkii Ilaahay xarrimay.

Kol haddii aanay Shariicaddii iyo wacyigeedii aanu ka shaqaynayn Somaliland iyo dalalka kale ee adduunkaba … Kol haddaanu jirin Nidaamkii Deynta ee Islaamiga ahaa, oo qofna maanta aanu helayn deyn bilaa dulsaar ah … Kol haddii baananka Nidaamka Islaamka sheeganayaa adduunka oo dhan aanay hantidoodu ka badnayn 1% marka la barbar dhigo qayrkood … Kol haddii Baanankaa Islaam sheegatada ahi, ee adduunku, aanay waxba ugu filnayn Somaliland … Culumadeenu iyo cidda kale ee dabada ka riixaysaaba, dib ha uga joogsadaan si fudud oo ay u xarrimaan ama ay u xalaaleeyaan Dulsaarka Baanankii hore ama kuwa dambe. Waxaa loo baahan yahay Baanan Ganacsi oo adeeg bixiya, oo halabuur leh, oo maal galiya beeraha, daaqa, xanaanada xoolaha, wershadeynta hilibka iyo kalluunka iyo dhuufintooda. Kuwaas oo maalgalin doona soo saarista macdanta, biyaha iyo tamarta cadceedda iyo dabaysha. Waxa loo baahan yahay Baanan habeeya wadaagga maalgalinta (Shares) ee muwaadinka iyo ajnabiga. Ma aha in ummadda lagu mashquuliyo dulsaarku waa xaaraan ama waa xalaal oo qudha, deedna loo xagliyo Baanan ku shaqeeya Nidaamka Ribada, la macaamila Baananka Faranjiga, ka qaata ama siiya Ribo si ay u daboolaan deynta ay qaataan, ama dulsaar ka qaata lacagta u biirtay ee ay dhigtaan Baananka Faranjiga. Dhamaad

Wa Billaahi Attawfiiq

Maxamed Cabdi Daauud