Ururka Aqoon Kal-kaal Oo Xafiis Cusub Ka Furtay Hargeysa

0
670

Hargeysa(Geeska)-Furitaanka Xafiiska ay yeelan doonaan ururka Dhalinyarada  Aqoon Kal-kaal ee Beesha Samane Cabdale (Arab) ayaa lagu qabtay Hargeysa, waxaana ka qayb galay qaar ka mida madaxdhaqmeedka Reerka, aqoonyahanka Iyo waliba dhalinyarada waxayna dhamantood soo dhaweyeen Xafiiskan ay yeelandoonaan Ururka ay ku midobeen dhalinyarada reerku

1111111111111

Ugu horayin wax halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Gudida Aqoon kalkaal  Maxamed Cabdi Dooshaan waxana  uu sharaxaad kooban ka bixiyeey Ujeedad loo yagleelay Xafiiskan uu yeelan doona Ururka Aqoon Kalkaal waxan Yidhi “ waa gudi dhalinyar ah waliba kuwa aqoon yahanka ee jaamacadaha ka soo

baxay Gudidu jiritaankeedu waxa uu marayaa  Laba Sano mudadii ay jirtayna waxay gacanta ku dhigtay 16 Arday oo ah kuwa imika dugsiga sare ka soo baxay waana dadkii lo bahanaa in wax lala qabto,  oo waa arday reerahoogu awood u lahayin in ay ka bixiyeen Heer jaamacadeed,  waxaana Waxbarasho bilaash ah uga raadinay Walaalahooga Wax Haysta Ee Reerka ah .  Kolay Ururkan waxa uu noqon donaa mid ka shaqeeya baahiyaha kala duwan ee Reerka waxaan aanu ku dhiiri galinaynaa qaybaha kala duwan ee reerku in ay ka qayb qaataan Taageeristiisa iyo waliba wax taristiisa.

Sido kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dhaqaalaha Ee Uruka  Cabdi-Majiid Yuusuf oo isa dhankiisa ka xog waramay Ururkooga waxan Yidhi “  runtii waxa xafiiskan suurto galiyeey Dr Ciise Kayd oo noo qalabeeyay si waanagsana noola shaqeeyay ururkani wax uu qax weyn ka qaban donaa Baahiyaha Kala Duwan Ee Reerka waxaan marka hore xooga saaray Aqoonta .

Waxa Iyaguna Halkaasi Si isku mid uga Hadley soona dhaweeyay Caaqil Maxamed Cabdilaahi Cali Iyo Caaqil Maxamed Xaashi Cabdilaahi  caaqil Maxamed Cabdilaahi oo hadalka ku horeeyay ayaa Yidhi “  aad waxaan ugu faraxsanahay maanta in dhalinyaro Iskood isku abaabushay ay heerkaa gaadhaan  oo fikirkoogii  16 arday wax kaga bixinayaa waxaanu idinku nimi sidii aanu idiin dhiiri galin lahaa taasna waanu idiinku nimi ee Alle Haydin la Garab Galo ayaan idin leenahay Haanu nahay cuqaasha ayuu

yidhi Caaqil Maxamed cabdilaahi”.

Waxa gabagabdii soo gunaanaday munaasibadaasi  Furitaana Xafiiska uu Yeelan doono ururka Aqoon kalkaal Caaqil Maxamed Xaashi Waxna Yidhi “ ragiinan dhalinyarada ahi aad ayaan idinku faraxsanahay hawshan aad wadaan runtii waa hal reer oo maaha hawl la dhayalsan karo waanu idinla shaqayin donaa waxaan aan idn leenahay dadalka  halkaasi ka sii wada.