Maskaxda Aadamuhu Waxa Ay Awooddaa In Ay Kaydiso (Xafiddo) Qoraal Le’eg 4.7 Bilyan Oo Kitaab

0
711

1111111111111Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in maskaxda aadamaha qaybta Alle ugu talogalay xusuustu ay toban laab ka qaad weyntahay inta ay hore ugu malayn jireen culimada Saynisku.

Natiijada Cilmibaadhistan Geeska Afrika turjumay oo uu faafiyey wargeyska E-Life Science oo internet ka laga daallacdo ayaa ay cilmibaadhayaashu ku xaqiijiyeen in maskaxda bani’aadamku ay leedahay awood ay ku xafidi kartoo qoraallo ka badan Hal Milyan oo Gigabytes (GB), taas oo haddii buugaag caadi ah loo beddelo u dhigmaysa 4 Bilyan iyo 7 oo Milyan oo kitaab, haddii waraaqaha la tirinayana noqonaysa 670 Warqadood oo mid kastaa le’eg tahay inta uu bogga internet ku qoraalka ka qaado.

Professor Terry Segnovski oo ku takhasussay cilmiga Neuroscience oo daraaseeya shaqada maskaxda iyo hab-raaca ay u marto xogta iyo oo ah hawsha ay u kaashato hab-dhiska neerfayaasha, oo isaga iyo khubaro ka tirsan Maxadka Salk ee daraasaadka cilmiga Bayoolojiga oo ku yaalla California, Maraykanka ayaa sheegay in natiijadan cusubi ay leedahay faa’idada ah in wax badan laga fahmo waxyaabaha bud-dhigga u ah awoodda waxbarasho ee maskaxda.

Cilmibaadhisahan cusubi waxa ay daahfurayaan in habka ay tahay in aynu maskaxdeenna iyo xusuusteeda ula macaamilnaa ay aad uga sii xeeldheer tahay sidii aynu hore u moodaynay. Waana in aynu ku xisaabtanno in xusuusteennu ay awooddo in ay qaaddo xaddi aan ka yarayn 3 Kun oo Tirilyan oo hal-beegga bits ah, taas oo haddii afka aan cilmiga ahayn lagu sharraxo u dhigmaysa in maskaxdeennu xafidi karto wax u dhigma muusig si joogto ah oo taxan (Laguna soo celcelinayn) u baxaya muddo 200 oo sano ah.

Ugu dambayntii taladu waxa ay tahay in aynu ku xisaabtanno qaadka mucjisada ah ee ay maskaxdeennu u leedahay xafidista cilmiga, kuna tababarno in ay xafiddo macluumaad tiro badan, oo hadda laga yaabo in aaminsanaanta qaldan ee awoodda xafidista maskaxda ka qabno awgeed ama carbis la’aan darteed aynaan u xafidin ama isuguba deyin in aynu xusuusteenna ku kaydsanno cilmigaas.