Reer Wajaale Oo Ka Cawday Ciid Tuulan Wadnaha Magaalada Iyo Jawaabta Guddoomiyaha

1
545

Wajaale (Geeska) – Ganacsatada Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa cabasho ka muujiyey ciid faro badan oo Maamulka dawladda hoose ee degmadaasi dhigay mid ka mid ah jidadka hor-mara bakhaarada Magaalada.

Ciiddan oo Dawladda hoose muddo dheer ka hor halkaasi ku rogtay si loogu sameeyo wado laamay ah, ayaa dadwaynaha iyo ganacsatada bakhaarada ee jidkaasi isticmaalaa dhibaato ka sheegteen xiligan oo dabayl badani ka dhacayso Magaalada Wajaale iyo guud ahaanba Somaliland.

Dadwaynaha Wajaale iyo ganacsatada oo qaarkood la soo xidhiidheen Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan ciddaasi isla-markaana jidadka oo hore u yar-yaraa ay aad u sii koobtay, taasina keentay in wakhtiyada roobabku halkaasi ka da’aan in jidadku xidhmaan oo dad iyo gaadiid midna aan la mari Karin.

Ganacsatada ayaa sheegay in ciddaasi oo muddo saddex bilood ku dhow halkaasi ku tuulan ay dhibaato ku qabaan boodhka ka kacaya, waxayna Maamulka dawladda hoose ku eedeeyeen inuu ku guul-dareystay inuu ciddaasi hawshii loogu tallo-galay ku qabto ama uu halkaasi ka qaado.

Guddoomiyaha Magaalada Tog-wajaale Xaashi Maxamiid Cabdi oo Wargeyska Geeska Afrika xalay khadka telefoonka kula xidhiiyey si aanu cabashadan wax uga waydiino ayaa sheegay inay halkaasi ciidda u dhigeen sidii ay wado laamay ah ugu samayn lahaayeen, balse ay u suurtoobi la’dahay “Ciida waxaanu u dhignay inaanu laamay dhigno, imikana waa noo diyaar Jaygii, Daamurkii iyo Cagafyadii, laakiin roobbaa naga hor taagan” ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi, waxaanu intaa ku daray “Sida ugu dhakhsaha badan ayaanu wax uga qabanaynaa”

Guddoomiyaha Wajaale, waxa kale oo uu soo qaaday “Wax alaale wax dhibaato ahi ma jirto, ee xagga Alle ayay ka noqon la’dahay (Jidkaasi la dhiso)” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya shacabka ree Wajaale “Dadka reer Wajaale way og yihiin sababta halkaasi ciida loo dhigay”

Magaalada Wajaale oo wakhtiyadan oo kale ay ka dhacaan dabaylo aad u badan, ayaa ciddan ku duulan Magaalada badhtankeedu dhibaato ku tahay shacabka ku shaqeeya meelaha ku dhow.

Comments are closed.