Hay’adaha Amniga Iyo Milatariga Pakistan Oo Fashilmay

0
3575

Warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray baadhitaanka weerarkii 1dii May 2011 ka dhacay magaalada Abbottabad ee dalkaasi Pakistaan oo ay ciidamada Maraykanka ku dileen Hogaamiyihii Al Qaida, Osama Bin Ladin, ayaa ka dayrisay awoodda Pakistan.

Warbixintan uu soo saaray Guddiga dowlada Pakistan u magacowday dabo-galka hawlgalkii Maraykanka ka sameeyeen magaalada Abbottabad ayaa si qarsoodi ah gacanta usoo galay warbaahinta Aljazeera oo websitekeeda ku daabacday, ayaaka kooban dhawr boqol oo bog.

Warbixintan ayaa ka warameysa wareysiyo lala yeeshay in ka badan 200 qof oo xog ogaal ah, iyo waliba qaar kamid ah Saraakiisha hay’adaha Amniga. Warbixintan ayaa waxaa ku jira wareysiyo lala yeeshay Xaaska Osama Bin Ladin oo ka hadashay qaabkii uu dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyaha Al Qaida.

Warbixintan ayaa si kulul u cambaareysay ciidamada Militariga, Sirdoonka iyo Booliiska Pakistaan oo lagu tilmaamay kuwo hawlgab ah oo aan haba yaraatee lahayn awood lagu kalsoonaan karo. Ciidamada Cirka ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inaanay la socon diyaaradihii Maraykanka ee helikobterka ahaa ee magaalada Abbottabad soo galay, balse waxay ciidamada Cirka soo baraarugeen markii ay warbaahinta ka maqleen hawlgalka ka dhacay Abbottabad. Raadaarka cirka lagu illaaliyo ayaaba la sheegay inaanu  shaqeynayn taasina u fududeysay in Maraykanka diyaaradihiisa lasoo galo hawada wadanka Pakistaan.

Ciidamada Booliiska ee magaalada Abbottabad ayaa la sheegay in iyagu shaqaynba isla markaana hawlgalo roondo aanba sameyn balse u shaqeeya sida xarunta Boosta oo ay sii gudbiyaan uun warkii loo soo diro. Sirdoonka Pakistaan ayey guddiga ku tilmaameen hay’ada ugu awooda badan balse hay’adaasi ayaa lagu eedeeyey inaysanba hoos imaan dowlada Pakistaan oo ay iskeed isu maamusho.

Wasiirka difaaca ee dalka Pakistaan ayaa weerarka ka dhacay Abbottabad ogaaday kadib markii gabadhiisa oo New York joogta warbaahinta ka daawatay hawlgalka dhacay kadibna telefoon u dirtay aabaheed oo aan laba socon waxa ka dhex dhacay wadankiisa.

Warbixintan ayaa waxaa sidoo kale ku jirta xog badan oo ku saabsan qaabkii Osama Bin Ladin ku noolaan jiray magaalada Abbottabad iyo siduu isu qarin jiray.

Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyey in falkii Maraykanka ku kacay ee gudaha kusoo galay dalka Pakistaan uu ahaa talaabo dagaal.