Mid Ka Mid Ah Beelaha Bariga Burco Oo Cambaaraysay Gudi Ku Hadashay Afka Beeshooda

1
630

Picture2Burco(Geeska)-Beel ka mid ah beelaha Bariga Burco gaar’ahaan beesha Axmed Faarax ayaa beeniyay, isla markaana canbaareeyay gudi dhawaan ka hadlay arimaha shidaal baadhista iyo khilaaf ka taagnaa oo afka beeshaasi  ku hadlay.

Cuqaasha ,madaxdhaqameedka iyo wax garadka beeshaasi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco, ayaa sheegay gudigani in aaney matalin beeshan iyo deegaankoodatoona  isla markaana waxay xuseen saami qaybsiga ay ka doonayaan Shirkadaha Shidaal baadhista degaankaasi in aaney gudigani wakiil uga ahayn .

 “ Anagoo ah beesha Gaashaanbuur Axmed Faarax waxaanu halkan kaga jawaabaynaa ,shirkii jaraa’id ee ay qabteen ragii sheegtay gudiga beelaha bariga Burco waxaanu taageersanahay waxqabadka iyo horumarka deegaanka laga wado  waananu soo dhawaynaynaa cidkastoo dalka iyo dadkaba wax ku soo kordhinaysa ,waxaananu ka soo horjeednaa shirkii jaraa’id ee ay qabteen ragii sheegtay gudiga beelaha Habar-jeclo,oo aaney beeshu aqoonsanayn , kalsoonina aan ka haysan ,waxaananu ka xunahay xiliga lagu soo beegay shirkaasi jaraa’id ,iyadoo la ogyahay beeshu tabasho ay ka qabto arimaha shidaal baadhista in ay u gudbisay Xukuumadda iyo shirkadaba ,waxaananu dadka u sheegaynaa iyadoo dalka la wada leeyahay in cidkastaa deegaanka ay dagto taladiisa iyo martigalintiisaba leedahay “ Sidaasi waxa yidhi Oday Xuseen Maxamuud Faarax oo ka mid ah wax garadka beeshaasi.

 Sidoo kale Caaqil Jaamac Caamir Gaas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi . “ Waxaan halkan ka cadaynayaa nimankaa shirka jaraa’id qabtay ee isku magacaabay  in ay umadoo dhan matalaan anaga beel’ahaan ,cuqaal ahaan iyo salaadiin’ahaan wax kalsooniya oo ay naga haystaan ma jiraan ,beelina beel ma matasho oo ma afduuban karto ,nimankaa beesha magaceeda ku hadlay maalma dhawayto waxay ku cabanayeen indhahaa nalaga la liyay ,markaa Hargeysa ayay tageenoo waa la soo afgartay ,markaa ninkii dhabarka laga taabtay ,haduu shir jaraa’id qabto oo uu yidhaado beelaan matalaa wax macquula maaha ,dadku marka ay hadlayaan ee ay leeyihiin cidbaanu matalaynaa waxa haboon in ay umadooda la tashadaan ,markaa waanu soo dhawaynaynaa shirkadda shidaal baadhista wada ,laakiin waxaanu leenahay tabashada beesha hoos u eega.”

 Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Caaqil Cismaan Saleebaan ,Oday Xuseen Cabdi Axmed ,Siciid Yuusuf Saleebaan iyo Cali Xaaji ,waxaaney dhamaantood cambaareeyeen gudiga afka beeshooda ku hadlay oo ay sheegeen in aaney matalin isla markaana waxay u soo jeediyeen xukuumadda iyo shirkadaha shiidal baadhista wada in ay tabashadooda hoos u eegaan.

Geesta kale shirkan jaraa’id ayaa ku soo beegmay iyadoo ay todobaadkan sheegeen gudigan la da’dafeeyay shir ay gobolka Togdheer ku qabteen in ay soo afjareen khilaaf ka taagnaa saami qaybsiga shaqooyinka Shirkadda Shidaalka .

Comments are closed.