Reer Tuuleed Cadhooday Oo Nolosha Ku Gubay Siddeed Tuug, Afar Kalana Garaacis Ku Dilay

0
790

Delhi (Geeska)- Booliiska dalka India ayaa sheegay in dad reer tuuleed ah oo ku nool bariga dalka India ay nolosha ku gubeen siddeed tuug afar kalana ay garaacis ku dileen. Waxa uu booliisku sheegay in koox tuug ah oo tiradooda lagu qiyaasay labaatan ay soo galeen tuulo aad u yar oo ku yaalla gobolka Jharkhand oo dhaca bariga dalka India, kadib boqolaal qof oo ka mid ah deegaankii tuulada ayaa ka war helay tuugta soo weerartay inta ay hubkooda gurteen ayaanay hareeraha ka mareen.

Maxamed Nehal oo ah masuul sare oo ka tirsan booliiska ayaa ku yidhi wakaaladda wararka ee Reuters oo uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, "Afar ka mid ah tuugta sidii ay u garaacayeen ayaa ay dhinteen, Siddeedii kale oo galay gurina nolosha ayey ku gubeen iyaga iyo gurigii ay ku jireenba" Jharkhand waa deegaanka ugu fawdada badan dalka India, dadku waxa ay si caadi ah gacantooda ugu fushadaan sharciga, iyaga ayaan isu xil saara iska ilaalinta iyo wax ka qabashada dembiilayaasha.