Reer Baadiyihii Boqortooyada Sucuudiga Tusay Shidaalka

0
4599

Khamiis Rimthaan

Riyaad (Geeska)- Khamiis Bin Ramthaan Al-Cajmi, waa dalmarkii ugu caansanaa taariikhda casriga ah ee boqortooyada Sucuudiga. Waa gadhwadeenkii ku hagay meelaha ugu muhiimsan ee dalka Sucuudigu uu ka helay shidaalka. Waxa uu sabab u noqday helidda halka uu ku yaallo ceelkii ugu horreeyey ee shidaal ee laga qoday boqortooyada Sucuudiga. Ibnu Ramthaan helitaanka ceelkan oo lagu magacaabo Dammaam Lambar 7 waxaa waxaa ku wehelinayey oo isagu sababta dhinaca cilmiga ah lahaa Max Steineke oo ahaa nin u dhashay dalka Maraykanka oo ku xeeldheeraa cilmiga taariikhda dhulka oo laga raadraacayo taariikhda ku duugan dhagaxa (Geology).

Bin Ramthaan oo ka soo jeeday qabiilka Cajmaan waxa uu caan ku ahaa dhul aqoonnimo uu boqcad kasta oo gasiiradda Carbeed ka mid ahba maray. Waxaa si aad ah u caawiyey xusuustisia oo aad u xoog badnayd, awoodna u lahaa isaga oo aan khariidado adeegsan in uu tago halka uu tilmaamteedad helo ama mar hore arkay. Arrintan uu caanka ku noqday ayaa sabab u noqotay in boqortooyada Sucuudigu ka faa’iidaysato dalmarnimadiisa, maadaama oo xilligaas qalabka iyo aqoontuba ku yaraayeen.

Khamiiss Bin Ramthaan waxa uu ku dhashay deegaanka Xasaa’ ee boqortooyada Sucuudiga, isla deegaankaas ayaanay isaga iyo qoyskiisu ku noolaayeen markii uu soo gaadhay dalab uu amiirka deegaanka Amiir Cabdallah Bin Jalawi kaga codsanayo in uu gadhwadeen u noqdo baadhayaal shidaal ka raadinayey goballada bari ee boqortooyada Sucuudiga.

(Midig) Rimthaan iyo wiil uu awoow u yahay

Thomas Barger oo ku xeeldheeraa cilmiga Jiyoolojiga (Geology) ayaa buuggiisa ‘Out In the Blue’ mar uu kaga hadlayey sahamintii shidaalka Sucuudiga waxa uu Ibnu Ramthaan ku tilmaamay, “Saxaraha kuma dayoobo, (Asqoobo) weligii, waayo marka laga tago in uu lahaa dareen lixaad (Dadku shan dareeme ayaa uu leeyahay, waa hab lagu tilmaamo qofka dadka badankooda ka dareen badan), oo ahaa jiheeye aan qaldamin oo ku dhex duugan, waxa uu lahaa xusuus yaab leh, oo u suurtageliyey in uu xasuusto bar kasta oo uu cag dhigay. Waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah, ama gadhwadeenkii sahamiyeyaasha geeyey ceel laga helay deegaan uu toban sano ka hor maqlay in ay saliidi ku jiro”

Shan sano markii ay ay shirkado reer galbeed ahi boqortooyada Sucuudiga ka raadinayeen shidaal, laakiin ay quus ka joogaan in ay helaan wax raad shidaal ah. Shirkadaha qaarna ka fikireen in ay joojiyaan shaqada sahaminta ayaa uu hawsha soo galay Khamiis Bin Ramthaan, Afartii bishii saddexaad 1938 kii ayaanu ku guulaystay in uu Max Steineke iyo koox sahamiyeyaal ah oo uu watay geeyo ceelkii ugu horreeyey oo ahaa Damaam Lambar 7. Oo sida oo kale isla deegaankiisa laga helay sagaal cee loo dambe. Ceelkan oo laga soo saaray shidaal aad u badan ayaa la aaminsan yahay in uu sabab u ahaa isbeddelkii taariikhiga ahaa ee boqortooyada Sucuudiga ka soo kaxeeyey dib u dhicii iyo reer baadiyenimadii saxaraha ee dhibta badnayd, kana dhigay dal ka mid ah kuwa ugu hodansan dunida oo awood dhaqaale ku leh dunida.

Ibnu Ramthaan oo markaa wixii ka dambeeyey shaqaale rasmi ah ka noqday shirkadda shidaalka ee Sucuudiga iyo Maraykanka ‘ARAMCO’ waxa uu dhintay sannadkii 1959 kii, sannadkii 1974 kiina waxaa loogu magac daray mid ka mid ah ceelashada waaweyn ee saliidda Sucuudiga laga soo saaro. Waxa kale oo Ibnu Ramthaan loo bixiyey mid ka mid ah maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaadda.

Midig: Rimthaan, Bidix qofka labaad waa Max iyo laba ka mid ah kooxda

Ibnu Rimthaan qisaska yaabka leh ee laga sheego waxaa ka mid ah, in maalin maalmaha ka mid ah, in maalin maalmaha ka mid ah isaga oo la socda diyaarad uu la saarnaa Nucaymi oo ahaa wasiirkii hore ee shidaalak dalka Sucuudiga. Ibnu Rimthaan markii ay diyaaraddu la dul haadaysay banka dhulka lama degaanka ah ee Rubcul Khaali la yidhaahdo ayaa inta uu daaqadda eegay waxa uu wasiirka farta ugu fiiqay meel uu sheegay in ay laba sano ka hor yimaaddeen. Wasiirkii oo aad u yaabban ayaa ku yidhi, “Anigu carrotuul iyo bacaad isu eeg ayuun baan arkaa” laakiin intaas lagagama hadhin, ee arrintii dib baa loo baadhay iyada oo la adeegsanayo khariiraddii diyaaradda, iyo xogta sahamiyeyaashii shidaalka waxa aana caddaatay in uu run sheegayey Ibnu Rimthaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here