Booliiska Sucuudiga Oo Raadinaya Muwaadin Geeliisa Lacag Caddaan Ah Cunto Uga Dhiga

28
3336

Riyaad (Geeska)- Booliiska dalka Sucuudiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey raadinaya nin dalkaas u dhashay oo faafiyey fiidyow uu ka muuqdo isaga oo neef geel ah cunto uga dhigaya lacag caddaan ah. Fiidyowgan gaaban oo si aad ah loogu faafiyey baraha bulshadu ku kulanto ee Internet ka ayaa ayaa muran xooggan iyo doodo ka dhex abuuray dadka boqortooyada Sucuudiga. Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in hay’adaha ammaanka ee dalku ay bilaabeen raadinta ninkan lacagta geela cunsinaya, si ay tallaabada ku habboon uga qaadaan.

Dhinaca kalana dadka baraha muuqaalkan kaga faallooday baraha bulshada ayaa muujiyey dareen xooggan oo ay ku diiddan yihiin tallaabada uu ninkani ku kacay. Waxa aanay ku tilmaameen kibir iyo in uu khatar gelinayo caafimaadka neefkan. Dad badan ayaa baraha bulshada ku faafiyey ereyo ay ku dalbanayaan in ninkaas oo aan weli la aqoonsan la mariyo ciqaab. Ninkaas ayaa la filayaa in haddii la qabto la marin doono ciqaab xabsi iyo ganaax isugu jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here