Raysalwasaare Internet Ka Ku Faafiyey Buuggii Shahaadadiisa PhD Si Uu U Caddeeyo In Aanu Xadin

27
3578

Madrid (Geeska)- Raysalwasaaraha dalka Isbayn Mudane Pedro Sanchez ayaa baraha internet ka ku faafiyey buuggiisa cilmibaadhista ah ee uu ku qaatay shahaadada sare ee PhD-da, si uu isaga fogeeyo shakiga ay dadka qaar ka muujiyeen lahaanshiyihiisa xogta ku qoran cilmibaadhista. Raysalwasaare Pedro Sanchez waxa uu deedifeeyey sheegashada ay warbaahinta qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka ahi maalmihii u dambeeyey faafinayeen ee sheegaysa in uu xogtaas buuggiisa ku qoran qaybo ka mid ah sifo sharci darro ah uga soo qaatay qoraallo ay dad kale lahaayeen.

Pedro Sanchez waxa uu bartiisa Facebook Jimcihii ina dhaafay ku faafiyey in eedahaas ‘xatooyada cilmiga ah’ ee loo jeediyey ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo loola jeedo in si shakhsi ah loogu waxyeelleeyo sumcaddiisa. “Sheegashooyinkaasi waa weerar shakhsi ah” isaga oo farta ku fiiqay in cidda dacaayaddaas ka faafinaysaa ay tahay labada xisbi mucaarad; Xisbiga Isbeddel diidka ah ee Partido Popular (Xisbiga dadka) iyo Xisiga Muwaadiniinta (Ciudadanos Partido).

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP raysalwasaare Pedro Sanchez waxa uu waxa uu labadan xisbi ku eedeeyey in sababta ku kallifaysa dacaayadani ay tahay iyaga oo aan haysan barnaamij xoooggan oo siyaasi ah oo ay dadka ku qanciyaan.

Dhinaca kalana waxa uu raysalwasaaruhu sheegay in uu dacwad sharci a gudbin doono wargeyska ABC oo faafiyey war sheegaya in qaybo ka mid ah cilmibaadhistiisa PhD ee ka warramaysay diblumaasiyadda dhaqaale ee Isbayn oo uu sameeyey intii u dhexeysay 2010 illaa 2012 aanay maskaxdiisa ka soo maaxan, balse uu sifo sharci darro ah uga so ominguuriyey cilmibaadhiso ay dad kale hore u sameeyeen.

Maalintii khamiista ayaa warbaahinta dalka Isbayn waxa ay saf dheer u gashay rugta kutubta ee jaamacadda oo uu Pedrp Sanchez aad u tegi jiray si ay uga soo helaan nuqul ka mid ah buuggiisa, laakiin waxa ay ka soo heleen hal nuqul oo keliya. Waana sababta keentay in Sanchez uu internet ka ku faafiyey cilmibaadhista oo dhan si ciddii kasta ee rabtaa ay si hawl yar ugu hesho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here