Magaalo Laga Mamnuucay In Jidadka Wax Lagu Cuno, Ciddii Xeerkaa Jebisana Ganaax Adag Lagu Soo Rogay

22
2799

Roma (Geeska)- Doodo xiiso leh iyo muran mararka qaarkood adkaanaya ayaa ka dhashay dhaqangalka, xeer cusub oo uu maamulka magaalada  taariikhiga ah ee Florence ku mamnuucay in cunto lagu cuno jidadka.

Warbixin uu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in maamulka magaaladan ku taalla woqooyiga dalka Talyaanigu ay uga digtay muwaadiniinta iyo dadka dalxiiska ku jooga magaaladu in ay jebiyaan xeerkan.

Maamulka magaalada Florence waxa uu sheegay, ciddii jebisa qodobbada xeerkan cusub in laga qaadi doono ganaax lacageed. Waxaa jiri doona saraakiil ka socda waaxda fayadhowrka oo dhex wareegi doona jidadka kala duwan ee magaalada si loo qabto cid kasta oo cunto fudud cunaysa marka ay jidadka marays. Xeerkani waxa uu cuntada si gaara h uga mamnuucayaa afar ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada. Xeerka ayaa dhigaya in cidda lagu qabto iyada oo xeerkan jebisay laga qaado ganaax dhan 450 lacagta Ingiriiska ee Pound ka ah, taas oo u dhiganta 580 doolarka Maraykanka ah.

Masuuliyiinta magaalada Florence waxa ay dadka maqaaxiyaha cuntada leh iyo goobaha kale ee cuntada fudud lagu sameeyo ku amartay in ay hortooda iyo waraaqaha ay cuntada ku laabayaanba ku qoraan diginin dadka u sheegaysa in qofka sharci darro ay tahay in qofku isaga oo jidka socda uu cunto cuno. Loona sheego xaddiga lacageed ee ay noqonayso lacagta ganaax ahaan looga qaadi doono qofka lagu qabto cunto uu jidka  ku cunayo.

Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ayaa caan ku ah cuntooyin dhadhankoodu aad u heersarreeya, mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalxiiskuna waxa ay magaaladan ku tilmaamtay in ay tahay magaalada ugu wanaagsan ee laga helo saanwiij. Sidaa awgeed dadka tirada badan ee dalxiiska u yimaadda magaaladan ayaa si gaar ah u xiiseeya in ay cunaan cuntooyinka ay magaaladu caanka ku tahay, iyaga oo baabuurtooda ku dhex cuna marka ay jidadka marayaan ama iyaga oo lugaynaya ay iska cunaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here