Bani’aadamku Waa Afar Shakhsiyadood, Iska Baadh Midka Aad Adigu Tahay, Kaddib Dabeecaddaada Ogoow

42
3684

Marar badan ayaa ay dhibaato innaga qabsataa fahamka iyo garashada dabeecadda qofka aynu la macaamilayno. Xeeldhereyaasha cilmiga bulshada iyo cilminafsihuna waxa ay siyaabo kala duwan baadhiso cilmiya ugu sameeyaan sidii ay u xaddidi lahaayeen noocyada dabeecadda iyo shakhiyadda qofka iyo tiradooda.

Mashruuc cilmibaadhiseed aad u ballaadhan oo ay tijaabadiisa ka qaybgaleen laba milyan iyo badh qof ayaa ku soo dhammaaday in tirada shakhsiyadda aadamuhu yeelan karaa ay tahay 4 nooc, oo mid kastaa ay leedahay calaamado iyo habdhaqanno u gaar ah oo aanay kuwa kale la wadaagin. Shakhsiyadahaas cilmibaadhistu ogaatay oo aynu soo koobnay waxa ay yihiin:

Dhexdhexaad: Waa shakhsiyadda ay u badan yihiin dadku ama dabiiciga ah, oo ah in farxad, murugo, cadho iyo deggenaanshiyo, rajo iyo quus cabis iyo ku dhiirrasho uu hadba nooc qofku yeesho. Dadka shakhsiyaddan ahi waa dad furfuran, laakiin haddana ma’aha dad aad u furan oo ay cid kasta is geli karaan.

Urursan: Waa shakhsiyad xasiloon marka dhinaca dareenka laga hadlayo, laakiin ma’ laha furfurnaan, sida oo kale ma laha cadho iyo kulayl badan. Dadka shakhsiyadda urursan leh waxaa lagu yaqaannaa in ay yihiin dad isu dheellitiran, aadna u adeegsada caqliga oo ay gaadho in tallaabo kasta iyo wax kasta oo loo sheego aanay qaadan illaa maskaxdoodu ay ku qanacdo. Waa dad awood u leh in ay dadka iskaashi la yeeshaan, si damiir leh u shaqeeyaan, dabeecaddooduna sugan tahay.

Danayste: Marka si guud loo eegayo, ma’aha shakhsiyad xun, laakiin qacda koowaad qofku marka uu arko wanaag badan kama malaysanayo. Waa dad aad u furfuran, laakiin haddana malaha dabeecad ah in ay dadka iskaashi la yeeshaan iyo in ay si siman ula wadaagaan dhib iyo dheef. Waa shakhsiyad aan caqliga aad u adeegsan, tallaabooyin badanna qaada iyaga oo aan garaadkooda la kaashan ama ka sii fikirin natiijadeeda iyo cawaaqibka ay yeelan karto.

Lagu hirte: Waxaa laga yaabaa in qof kastaa uu gaarkiisa isu weydiiyo sida ugu fiican ee uu ku noqon karo ruux dadku ku soo hirtaan. Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in qofka lagu hirtaha ahi, uu yahay qof leh karti iyo xirfad hoggaamineed oo awood badan. Qof awoodi kara in dhammaan xaaladaha kala duwan uu ku waajaho deggenaan iyo maskax, xitaa haddii uu cadho badan qabo ama ka xun yahay sida wax u dhaceen.

Waa dad hawlkar ah oo shaqada u dadaal badan, dadkana u furfuran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here