Raysalwasaaraha Ingiriiska Aabihii Oo Baasaboor Ka Codsaday Dalka Faransiiska, Sababtana Sheegay

0
822

Wargeyska ‘The independent’ eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa gabad ay walaalo yihiin raysalwasaaraha Ingiriiska ka soo xigatay in aabahood Stanley Johnson uu sannadkii hore bilaabay hawsha codsi uu dalka Faransiiska kaga dalbanayo in la siiyo baasaboorka dalkaas, isaga oo ku sababeeyey in uu doonayo in aanu goynin xidhiidhka ka dhexeeya midowga Yurub.

Raysalwasaaraha walaashii oo lagu magacaabo Rachel Johnson ayaa buug cusub oo ay dhowaan soo saartay waxa ay ku caddaysay in aabaheed oo hore uga soo mid noqday baarlamaanka Midowga Yurub, si adagna u taageersanaa in Ingiriisku uu ka sii mid ahaado midowga Yurub, in uu dalka Faransiiska ka dalbaday jinsiyadda. Sababta uu dalka Faransiiska ku doortay ayaa ah hooyadii Irene Williams oo ku dhaltay dalka Faransiiska.

Rachel Johnson waxa ay sheegtay in aabaheed uu hayo jidkii uu ku heli lahaa muwaadinnimada Faransiiska oo ay hooyadii ku dhalatay waxa aanay caddaysay in ay ku faraxsantahay warkaas oo ay sheegtay in uu yahay war fiican. Maadaama oo markaas ay iyadana u suurtageli doonto in ay noqoto muwaadinad Faransiis ah.

Wargeyska ‘The Independent’ waxa uu sheegay in ilo ka agdhow qoysku ay u sheegeen wargeyska Sunday Times in Johnson uu codsigan jinsiyadda Faransiiska dalbaday isaga oo doonaya in carruurta uu awoowga u noqdaa ay ku noolaan karaan kana shaqaysan karaan midowga Yurub, oo uu dalka Ingiriisku ka baxay.

Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson oo isagu ka mid ahaa maskaxihii sababta u noqday in Ingiriisku uu ka baxo Midowga Yurub, ayaa uu qoyskiisu arrintaas aad ugu kala aragti duwanaa. Walaashii Rachel waxa ay hore uga tagtay xisbiga Raysalwasaaraha, iyada oo sannadkii 2017 kii ku biirtay xisbiga Dimuqaariyiinta xorta ah (Liberal Democrats). Stanley Johnson oo sida oo kalana hore horraantii siddeetamaadkii xildhibaan uga soo noqday baarlamaanka Ingiriiska ayaa xilligii ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub waxa uu sameeyey ololeyaal aad u xooggan oo uu ugu dadaalayey in Ingiriisku uu ka sii mid ahaado Midowga Yurub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here