Canaanta Daran Iyo Ciqaabta Ah In Meel Gaar Ah Lagu Xidhaa Waxa Ay Dishaa Nafsadda Ilmaha

0
624

Daraasado kala duwan ayaa daahfuray in carruurta lagu arko maskax maahsanaanta, ama xarakaadka badan iyo qalqaalinimadu in ay yihiin kuwa guryaha ama dugsiyada kala kulma ciqaabta nafsiga ah ee ay ka mid tahay meel gaar ah oo la fadhiisiyo ama lagu faquuqo, canaanta badan, waqti ka duwan ka carruurta kale la seexinayo oo isaga qasab qolka loogu diro ama in laga mamnuuco in uu carruurta kale ama bulshada la xidhiidho.

Xeeldheereyaasha cilminafsiga carruurtu waxa ay sheegayaan in carruurtu waxa ugu badan ee ay u baahan yihiin uu yahay in ay waalidka iyo bulshada ku xeeran galangal toos ah iyo dhexgal la yeeshaan.

Canaanta badan iyo xaqiraadda uu waalidku marmar kula kaco ilmaha gefka sameeya ayaa ay iyadana khubaradu sheegayaan in ay khatar ku tahay niyadda iyo nafsiyadda carruurta. Waxa ay ku abuurtaa cadho badan oo aanu ka jawaabin ama isku cabudhiyo maadaama oo aanu ka jawaabi Karin cabsida waalidka awgeed, waxa aanay aakhirka dhaawac u geysataa awoodda nafsadeed ee uu ilmuhu u leeyahay in uu naftiisa xakameeyo ama in uu ka fikiro waxa uu samaynayo. Waxa uu fikirkiisu ku ururaa rogrogista ciqaabtan uu nacay ee waalidkii marinayo, waxa aanay ku abuurtaa cadaawad iyo fogaanshiyo.

Qoraaga Daniel Siegel oo ah bare caafimaadka nafsiga ah ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda California ayaa buuggiisa ‘The Developing Mind” waxa uu ku sheegayaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo koritaanka maskaxda ilmaha iyo xidhiidhka uu la leeyahay bulshadiisa. Sidaas awgeed ciqaabta ilmaha lagu ciqaabo faquuqa ama in meel gaar ah la geeyaa ay khatar ku tahay maskaxdiisa, gaar ahaan qaybteeda qaabilsan habdhaqanka iyo dad la macaamilka uu ilmuhu samaynayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here