Rasmi: Tabobaraha Xulka France Oo Soo Saaray Liiska Ciyaar yahanada Uga Qayb Gali Doona Koobka Euro 2016-ka

0
972

France-Squad-636x360

Tababaraha xulka qaranka France ayaa soo saaray liiska xulka qarankiisa ee uga qayb geli doona tartanka Europa League, kaas oo ay ka maqan yihiin Karim Benzema iyo Valbuena oo xurguf iyo arrimo saamayn badan ku yeeshay dalkaasi ka dhex jiraan.

Laacibka Madow ee khadka dhexe uga ciyaara Leicester City ee Kante ayaa lagu daray liiska xulka qaranka dalkaas, waxaase ka maqan oo uu tababare Deschamps ka reebay kooxdiisa ciyaartooyada Alexandre Lacazette, Kevin Gameiro, Morgan Schneiderlin iyo Hatem Ben Arfa.

Valbuena oo ka mid ah ciyaartooyada tirada yar ee khibradda badan leh ee la filayey in ay ku jiraan xulka qaranka dalkaas, ayaa waxa uu tababare Deschamps ku sifeeyey ka tegitaankiisa in uu ciyaartoygi muddo badan dhaawacyo u jiifay, taas daraadeedna uu door biday in uu ka tago.

Liiska xulka qaranka dalka France oo dhamaystiran waa sidan:

Gool-hayeyaal: Hugo Lloris (Tottenham), Steve Mandanda (Marseille), Benoit Costil (Rennes)

Difaac: Bacary Sagna (Man City), Christophe Jallet (Lyon), Lucas Digne (Roma), Patrice Evra (Juventus), Raphael Varane (Real Madrid), Laurent Koscielny (Arsenal), Eliaquim Mangala (Man City), Jeremy Mathieu (Barcelona)

Khadka dhexe: Lassana Diarra (Marseille), Yohan Cabaye (Crystal Palace), N’Golo Kante (Leicester City), Blaise Matuidi (PSG), Paul Pogba (Juventus), Moussa Sissoko (Newcastle United)

Weerarka: Anthony Martial (Manchester United), Andre Pierre Gignac (Tigres UANL), Dimitri Payet (West Ham), Olivier Giroud (Arsenal), Kingsley Coman (Bayern Munich), Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

Ciyaartooyada dhaawac sugeyaasha ah ee haddii mid ka baxo liiska hore laga soo xulan doono waxaa ka mid ah: Alphonse Areola, Morgan Schneiderlin, Hatem Ben Arfa, Alexandre Lacazette, Kevin Gameiro, Adrien Rabiot, Djibril Sidibe, Samuel Umtiti