Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 10aad)

0
640

fffffFashilaadda uu hadalka deggdegga ah ee Obama ku keenay qorshihii hore ee CIA iyo isku dhex daadashada xogta ay bixinayaan ku timid waa ta keentay in iyaga oo isweydiintaas dambe ka jawaabaya ay sameeyaan sheeko ah in askartii ka tirsanaa ciidamada SEALS ee gudaha galay, mid ka mid ah oo dhererkiisu ahaa Lix fuudh (1.83 mitir) yahay dhinac jiifsaday maydka qofka la dilay si uu isu barbar dhigo, iyada oo laga duulayo in Sheekh Usaama Bin Laadin dhererkiisu ahaa 6 Fuudh. Waa sheeko aan xujo noqon karin, maadaama oo dhererkaasi aanu u xidhnayn ama gaar u ahayn Usaama lama odhan karo dhererkisia ayaa aanu ku garannay, Isla markaana dhererkiisa runta ah ee hore loo ogaa uu ahaa 6 Fuudh iyo 4 hiish (1.93 mitir). Muddo yar kadib Gaashaandhigga Maraykanka oo u muuqda in uu garwaaqsaday in aanay cidina ku qancayn in Usaama garashadiisa ay ku filan tahay uun in askari dheeri maydka agjiifsado, ayaa beddelay hadalkaas hore oo haddana masuuliyiin u hadlay ay ku andacoodeen in Usaama Bin Laadin maydkiisa laga qaaday shaybaadh DNA ah oo ciidamada SEALS u xaqiijiyey in qofka ay dileen uu ahaa Usaama Bin Laadin. Sarkaalkii hawlgabka ahaa ee xogtan bixiyey ayaa isna sheegay in uu jiro war kale oo bilowgii ka soo baxay SEALS oo caddaynaya in aanay ciidanka guriga Usaama galay u caddayn in maydka ay qaateen uu ahaa kii Usaama Bin Laadin oo dhamaystiran iyo in ay qaybo hilibkiisa ka mid ah qaateen, oo kula noqdeen dalka ay marka horeba ka soo gudbeen ee Afgaanistaan.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka Gates ma’ uu ahayn masuulka keliya ee sida aadka ah uga xumaaday go’aanka uu Barak Obama qaatay ee ahaa in uu si cad uga hadlo dilka Usaama, isaga oo aan weliba la tashan masuuliyiintii ay arrintani amni ahaan sida tooska ah u khusaysay. Sarkaalka inoo warramayey ee halwgabka ah ayaa yidhi, “Laakiin wasiirka difaacu waxa uu ahaa masuulka keiya ee si cad uga hor yimid in madaxweynuhu sidaa uga hadlo arrintan. Laakiin dadka uu Obama khiyaameeyey Gates oo keliya ma’ay ahayn ee qof kasta waa uu khiyaameeyey. Xitaa sooma uu qaadin xaqiiqda ah in uu jiray heshiis uu arrintan Maraykanku kala galay dalka Baakistaan oo ay tahay in ugu yaraan haddii sidii uu ahaa wax ka duwan la samaynayo marka hore laga doodo oo la isla eego sida ugu quruxda badan ee loo dhigi karo. Markii wax kastaa qaldameenna masuuliyiinta Maraykan waxa ay ku qasbanaadeen in ay abuuraan sheeko been ah oo ay ku qariyaan” Dhinaca kalana waxaa jiray sharciyad Maraykan oo masuuliyiintan faraysa in ay ilaaliyaan ay qariyaan kaalinta oo basaaskii Baakistaaniga ahaa ee u soo warramay ku lahaa arrintan.

Si arrimahan isku dhex yaacay loo kala guro, loogana taxaddaro in jaahwareerka muuqday ay dadka oo dhami fahmaan ayaa waqti yar kadib markii madaxweyne Barak Obama ku dhawaaqay dilka Usaama Bin Laadin, ayaa wariyeyaasha Guriga Cad ee Maraykanka ka hawlgala loo sheegay war u dhignaa sidan, “Waxa ay ahayd (Dilka Obama) Midhaha ka dhashay sannado badan oo ahaa shaqo sirdoon oo aad u heersarraysa taxaddar badanina weheliyo. Iyada oo diiradda lagu hayey, muddadaasna la daba socday koox dhambaal sidayaal ah, oo uu ku jiro nin horeba loo ogaa in ay si aad ah isugu dhow yihiin Bin Laadin” Wariyeyaasha waxaa loo sheegay in Koox si gaar ah u tababaran oo ka socota wakaaladda CIA iyo xeeldheerayaal ka tirsan wakaaladda Amniga Qaranka ee Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NSA ay raad-gureen ruux dhambaal u siday kaambool si aad ah loo ilaalinayey oo ku yaalla magaalada Abbottabad. Warkan la siiyey wariyeyaashu waxa uu intaas ku sii daray, in kadib bilo kor-joogtayn iyo la socosho socotay, ay masuuliyiinta sare ee sirdoonka Maraykanku si aad ah ugu qanceen, in dhismahan uu ku nool yahay bartilmaameed aad u qiimo sarreeyaa. Waxa kale oo qiimayntii la sameeyey ka soo baxday in uu jiro suurtogalnimada in qofka meeshan deggeni uu noqon karo USaama Bin Laadin’

“Ciidankii Maraykanka ee galay gudaha gurigu waxa ay la kulmeen iska-hor-imaad raasaas la adeegsaday, saddex nin oo qaangaadh ahaa, oo la aaminsan yahay in laba ka mid ahi ay yihiin dhambaal qaadayaashii, ayaa lala dilay Bin Laadin” ayaa ay ahayd sheekada cusub ee Guriga Cad uu curiyey, markii la weydiiyey masuulkii warkan u sheegayey wariyeyaasha, ‘In Usaama Bin Laadin uu is difaacay iyo in kalana?” waxa uu ku jawaabay, “Waa uu iska caabbiyey ciidankii qolka ugu galay, waxaana lagu dilay rasaastii iska horimaadka ka dhashay isku daygiisaa iska-caabbinta”

Maalintii labaad ayaa John Brennan, oo markaas Obama u ahaa la-taliyaha sare ee la dagaallanka argagaxisada, waxaa la saaray masuuliyadda ah in uu cod dheer dadka oo ugu sheego in Obama uu yahay madaxweyne geesi ah oo ka takhalusay cadowgii qaranka Maraykan, waxaa la doonayey in la dambabaso khudbaddii Obama ku sheegay dilka Usaama oo ahayd mid aan lahayn miisaankii ay mudnayd su’aalo badanina ka dhalanayeen.

John Brennan waxa uu bixiyey faahfaahin dheeraad ah oo arrintan la xidhiidhay laakiin qudheeduna ahayd majaro habaabinta xaqiiqada la xidhiidha weerarkii iyo qorshayntiisa. Brennan waxa uu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen koox ka tirsan ciidamada badda ee sida gaarka ah u tababaran SEAL, kuwaas oo la faray in ay Usaama Bin Laadin nolol ku soo qabtaan, haddii ay suurtogal tahay. Waxa uu sheegay in Maraykanku aanu helin war xog ah oo tilmaamaysa in cid uun ka tirsan dawladda iyo milateriga Baakistaan ay ogaayeen in Usaama Bin Laadin uu dalkooda ku dhuumanayo, “Lama aanu xidhiidhin Baakistaanta, illaa dhammaan dadkayagii , iyo dhammaan diyaaradahayagu ay ka baxeen hawada dalka BAaksitaan” ayaa uu ku adkaystay Brennan. La soco…