Rag Dhalinyaro Ah Oo Mudaharaaday Kadib Markii Dumarkii Magaalada Kula Noolaa Oo Dhami Ay Guurkii Ka Diideen

0
572

hhhIstanbul (Geeska)- Ragga dhalinyarada ah ee ku nool tuulada Ouzumlo oo ka tirsan gobolka Marsiin ee Koonfurta dalka Turkiga ayaa isugu soo baxay dibad bax ballaadan oo ay kaga cabanayaan guur la’aan ku dhacday sagaalkii sano ee u dambeeyey, kadib markii hablaha tuulaha kula noolaa ay diideen in ay guursadaan wiilashada tuulan, maadaama oo aanay doonayn in ay ku sii jiraan noloshan baadiyaha, kana doorbidayaan in ay u tacabburaan dhinaca magaalooyinka oo ay ka raadsadaan nolol ta miyiga ka duwan.

Wiiilashan ka cabanaya guur la’aanta ayaa soo qaatay boodhadh ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo kala duwan, sida qaar ay hablaha ugu baaqayaan in ay ogolaadaan nolosha tuulaha, kuwo ay mushkiladda guur la’aanta kaga cabanayaan. Boodhka ugu xiisaha badan ee ay raggani siteen ayaa ahaa mid ay ku qoran tahay ereyo ay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, u ballan qaadayaan haddii loo guuriyo in ay dhali doonaan ugu yaraan Shan carruur ah, taas oo ay uga jeedaan in ay jawaab u noqoto hadal uu hore madaxweyne Erdogan u yidhi oo uu qoysaska dalkiisa ugu baaqay in ay dhalaan ugu yaraan saddex carruur ah si ay muwaadiniintu u bataan.

Mustafa Baashibilaan oo madax ka ah tuulahan ayaa warbaahinta u sheegay in dumarkii tuulaha ku dhaqnaa ay noloshii tuulaha naceen oo ay ka door bideen in ay magaalada galaan, halka ragga badankoodu ay ku qasban yihiin in ay sii joogaan ama qoys kasta rag kaga hadhaan si loo ilaaliyo dhul beereedka awoow-ka-awoow la soo kala dhaxlay ee tuulahan ku yaalla.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka Anadool ee dalka Turkiga ayaa intaas ku daraya in gudoomiye Mustafa uu sheegay in tuulaha aanay haysan dhibaato dhinaca dhaqaalaha ahi, laakiin dhibta haysataa ay tahay guur la’aantan oo ka dhalatay habalaha oo diiddan nolosha tuulaha, waxa aanu sheegay in markii ugu dambaysay ee tuulahaas uu guur ka dhacaa ay ahayd 9 sano ka hor.