Digniin Caafimaad: Laambadaha Laydhka Dhowrteeyaa (Energy Saver) Waxa Ay Keeni Karaan Xanuunno Uu Kansar Ka Mid Yahay Iyo Indho La’aan

0
705

1Washington (Geeska)- Waxaa maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta internet ka ee caafimaadka ka faallootaa ay baahinayeen talooyin la xidhiidha caafimaadka oo ah in ay iska jiraan laambadaha dunida ku soo badanaya ee yareeya isticmaalka korontada. Arrintaas oo ay ku sababaynayaan digniin caafimaad oo dhowaan ay soo saartay haayad caalami ahi.

Maadaama oo nolosha dunida maantu ay si aad ah ugu tiirsan tahay korontada oo ka mid ah baahiyaha lagama maarmaanka ah, waxaa kor u sii kacaya kharashka badan ee dadku ka sheeganayaan isitcmaalka laydhka, taas oo shirkado ganacsi ay ka faa’idaysteen soona saareen laambado dabka ay isticmaalayaan uu ka yar yahay inta ya isticmaalaan laambadaha Kcaadiga ahi. Laakiin warka hadda soo baxay ayaa ah in laambadahaas dabka dhawrayaa ay yihiin sun illaa hee ay xaaladduba gaadhay in wakaaladda daryeelka deegaanku ay soo saarto qoraal degdeg ah oo ay ku tilmaamayso sida ugu fiican ee ay tahay in loola macaamilo, maka laambad ka mid ah laambadahan dabka dhawraa jabto oo ay bannaanka u soo baxdo maadadda Mercury eek u jirta oo la ogaaday in ay 20 jee ka badan tahay xaddiga caafimaad ahaan la ogolaan karo in ay ku jirto hawada qofku neefsanayo.

Xeeldheerayaal aad u tiro badan oo siyaabo kala gaar-gaa ah u baadhitaanno ku sameeyey waxyeellada ka dhalan karta laambadahan ayaa xaqiijiyey in laambadahani ay keenaan, xaalado nafsi ah oo uu warwarku ka mid yahay, madax xanuun u badan dhinac ahaan sida dhanjafka, kansarka, dawakhaad, burbur iyo daal iyo qofka oo u fiirsigu ka lumo.

Warbixinahana laga qoray khatarta laambadahan ayaa intaas ku daraya in maadadda Mercury oo laambadda gudaheeda lagu shubo maka la samaynayo ay caafimaad ahaan dhaawac gaadhsiiso neerfayaasha, gaa ahaan carruurta iyo dumaka uurka leh, maskaxda sun ku keento, beerka iyo keliyahana khatar caafimaad ku sababto. Sidoo kale waxa ay khatar ku tahay xididdada dhiigga, wadnaha, hab-dhiska difaaca, aakhirkana waxa ay keentaa gariir qofka ku dhaca jidhkiisa qaybo ka mid ah, iyo xitaa cudurka xusuusta dila ee Alzheimer ka.

Khubarada laambadaha dabka dhowra baadhitaanka ku sameeyey waxa ay sheegeen in laambadahan samayskooda ay ka mid yihiin maaddooyin kansar keena, sida Phenol oo loo isticmaalo samaynta walxaha kiimikaad, Naphthalene iyo maadadda Styrene.