Qurbe-jooga Somaliland Ee USA Iyo UK Oo Sheegay In Amniga Somaliland Yahay Mid Buuxa

1
606

 

diHargaysa( Geeska )- Xubno ka mid ah qorba joogta reer Somaliland ee dagan dalalka reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa xaflad ay ku qabteen hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa waxay ku barbar istaageen amaanka iyo xasiloodinda ka jirta Somaliland.

Taageerada qurba joogtan ayaa dab socotay qoraalo amaanka Somaliland ka dayrinaaya oo dhawaanahan ka soo baxay dawlado ay ka mid yahiin Ingriiska iyo Maraykanku, waxaana qurba joogtan xukuumada u soo jeediyeen in loo baahan yahay in baadhitaano arintaas laga sameeyo.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi ( Cagawayne ) oo kala qayb galay qurba joota xafladan ay ku babar istaagayeen amaanka Somaliland, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in qurba joogta dalku ay difaacaan amaanka dalkooda, isla markaasna waxa uu hadalo soo dhawayn ah u muujiyay qurbajoogta dalka.

Guddomiyaha Hay’ada Qurbajooga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan oo isaguna halkaas ha hadlay ayaa ka waramay taariikhada ay Soo martay Somaliland Wakhtigii Gumaysiga, waxaanu Xusay in Somaliland waxbadan ay qabsatay, Waxanu Bulshada Caalamka u soo jeediyey in ay Somaliland ku Ixtiraaman Nabadgelayada ka jirta.

Sida oo kale guddomiyaha Hay’ada Qurbajooga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan oo la Hadlaayay Dawlada Somaliya Waxa yidhi  “Xamar waxaan leenahay waxaa wanaagsan inaad nagaga dayataan wweye,waxyaabaha aad nalaga masuugaysana maaha wax munaasib ah, marnaba ma dhacayso inay Dawladdayada,Baarlamaankayaga iyo Guurtidayadu idinkala soo qaybgalayaan ee wixiina iska wata, Somaliland  markii ay dhisanaysay  Ingiriiska,Maraykan iyo Talyaani toona Somaliland muu joogin.”

Salma Sheekh Cabdiraxmaan Walaaleeye  oo ka mid ah Qurbajooga Somaliland ee Degen dalka Ingiriiska oo madashaas ka hadashay ayaa tidhi “Waxan Doonayaa in Dawlada Ingiriisku noo sheegto meesha ay nabadgelyo Darro ka jirto, waayo anagu wax nabadgelyo darro ah oo ka jirta Somaliland ma aragno, laakiin Dawlada Ingiriisku xaqbay u leedahay in ay Digniintan oo kale ay soo jeediyeen oo muwaadinintooda.”

Xafladan lagu taageerayay amaanka dalka oo ay ka hadleen  qurba joog badan ayaa ay dhamaantood iska daba mareen inay ka xun yahiin fariintan ka soo baxday dalalka reer galbeedka, waxaanay ku adkaysteen inay ku faraxsan yahiin in dalkooda hooyo uu ka jiro amaan buuxa oo laysku halayn karo.

Comments are closed.