Wasaarada Caafimaadka Togdheer Oo Ka Hadashay Eedaymo Loo Jeediyay

2
594

 

Burco(Geeska)-Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Cabdi Yaasiin Axmed ayaa iska leexiyay  eedaymo xafiiskisia uga yimi maamulaha caafimadka ee Oodweyne ,kaasi oo uu ku sheegay in aan habayaraatee bushqadii dawooyinka caafimaadka la soo gaadhsiin xafiiskooda , oo Hoos Yimaada wasaarada Caafimaadka  Togdheer.

Isuduwaha oo Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Burco ayaa beeniyay warka masuulkaasi ka soo yeedhay oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahintu  isla markaana waxa uu sheegay Labadii bishan in ay deegaamadda Caafimaadka gobolka Togdheer hoos-yimaada in ay gaadhsiiyeen daawooyinkii ay xaga u lahaayeen marka laga reebo deegaanka Caynaba . " Waxaan maanta idiinku yeedhay inaan ka jawaabo hadal ka baxay qaar ka mid ah warbaahinta oo uu sheegay Dr. Ibraahim oo ah maamulaha Caafimaadka Oodweyne oo  ka cabanaayay inaan wax dawo ah loo geynin oo cisbitaalka magaaladaasi daawo la,aan u xidhmaayo ,runtii arinkaasi waa mid aan layaabay oo aan waxba ka jirin waayo wasaarad ahaan wiixi la helo Oodweyne iyo meel kastoo kamid ah gobolka wixii ay leeyihiin waa loo geyaa mar walba ,inkastoo awoodeena lagaranaayo inta ay lekaan  karto ,hadana waxa ugu danbaysay warqadan aan iminka gacanta ku hayo oo dawooyinka halkaa ku qoran labadii bishan loo geeyay Oodweyne  markaa Dr Ibraahim isagoo saddex cisho ka hor haystay ayuu shalay hadlaayay oo lahaa cibitaalku wuxuu u xidhmayaa dawo la,aan dawadana isaga ayaa gacan tiisa ku qaaday oo lagu wareejiyay dawadaasi " Sidaasi ayuu yidhi Dr. Cabdi Yaasiin isagoo ka jawaabaayay eedayntan loo jeediyay waxaanu xusay deegaamada hoosyimaada wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer in ay gaadhsiiyeen dawooyinkii ay xaqa u lahaayeen marka laga reebo magaalada Caynaba oo uu sheegay in ay maalmaha soo socda u gaadh-siindoonaan .

 Maaha markii u horeysay ee ay qaar ka mid ah masuuliyiinta waaxaha hoosyimaada Caafimaadka gobolka Togdheer ay cabasho muujiyaan ,balse dhawr jeer oo hore ayay arintan oo kale dhacday.

Comments are closed.