Qosolku Waxa Uu Yareeyaa Kaarka Xanuunka Waxa Aanu Xoojiyaa Hab-Dhiska Difaaca Jidhka

0
538

Picture8Hargeysa (Geeska)- Sida caadiga ah waxa uu qofku nolol maalmeedka si joogto ah ugala kulmaa cadaadisyo kala duwan oo ku lammaan shaqada, macaamilka dadka iwm, waxaana mararka qaarkood ay kaga tagaan xaalado nafsi ah oo keena diiqad, iyo qosolka oo ku yaraada.

Haddaba khubarada caafimaadka nafsiga ahi waxa ay sheegayaan in qosolku uu yahay dawada ugu fiican ee uu qofku kula dagaalami karo diiqadda nafsadda iyo cidhiidhiga acsaabta ee ay duruufaha joogtada ah ee nolol maalmeedku keenaan, waxa aanu furfuraa dabeecadda qofka oo uu ka kaxeeyo cadhada iyo murugada.

Daraasado caafimaad oo algu sameeyey faa’idooyinka qosolka ayaana hoosta ka xariiqay in qosolku uu leeyahay faa’idooyin jidheed oo uu Geeska Afrika kuwan ka soo qaatay:

1. Qosolku waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu soo saaro xaddi badan oo ah maadadda Endorphins oo ah maaddo maskaxda ku jirta oo ka caawisa in ay yarayso kaarka xanuunka iyo garaaca.

2. Qosolku waxa uu caawiyaa labada sambab, waxa aanu xoojiyaa hab-dhiska difaaca.

3. Qosolku waxa uu daawo ka noqon karaa noocyo kansarka ka mid ah, waxa uu yareeyaa garaaca, waxa aanu furfuraa oo uu wanaajiyaa xaaladda dabecadda qofka, sida cadhada, murugada iwm oo uu kaxeeyo.

4. Cilmibaadhis caafimaad ayaa daahfuray in qofka qosolka badan aanu inta badan ku dhicin xanuunnada nafsiga ah oo ay ka mid yihiin, diiqadda, walbahaar iyo niyad xumadu.

5. Qosolku waxa uu hoos u dhigaa heerka Kortisoolka (Cortisol) oo ah hormoonka keena walbahaarka, marka uu jidhka ku batana si dhaqso ah uga saara tamarta, taasina ay keento in qofku uu ka warwareego xarakaadka iyo wax qabashada.

6. Qosolku waxa uu xoojiyaa muruqyada wejiga, taas oo ka hortagta coodh-coodhka sidoo kale waxa uu xoojiyaa muruqyada caloosha, taasina ay u fiican tahay in aanay weynaan.

7. Qosolku waxa uu qofka u suurtogeliyaa in uu hurdo fiican seexdo, jidhkiisuna si buuxda u nasto xilliga hurdada.

8. Qosolku waxa uu kor u qaadaa hormoonnada wanaajiya guud ahaanba caafimaadka, waxa uu kordhiyaa tirada unugyada ka hortaga walxaha dhibaateeya hab-dhiska dheefshiidka.

9. Waxa uu qofka ka kaxeeyaa shucuurta nafsiga ah ee taban, sida dareenka cadhada, shucuurta dembiga ee qofku mararka qaarkood dareemo, sidoo kalana waxa uu siiyaa tamar uu kaga fikiri karo xal u helidda iyo la macaamilka mushkiladaha nolosha ee ka hor yimaadda.